4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 9 , 2013
Cayaartii ugu Horreysay ee Kubadda Cagta oo Laba Kooxood ku Dhexmaray Baydhabo Tan iyo markii Al-shabaab laga saaray (SAWIRRO)


Isniin, December 09, 2013 (HOL) — Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka dhacay cayaar saaxiibtimo oo dhexmartay laba kooxood oo ka kala socday degmooyinka Buur-hakabo iyo degmada Baydhabo, taasoo ahayd tii ugu horreysay tan iyo markii Al-shabaab laga saaray degmadaas.

Ciyaartan ayaa waxaa ka qaybgalay maamullada degmooyinka Buur-hakabo iyo Baydhabo iyo taageerayaasha labada kooxood, iyadoo uu abaabulkeeda lahaayeen cayaartooydii hore ee Qaranka Soomaaliya oo kala ahaa: C/qaadir Shariif  Xirow, Cali Shaamboo iyo Xasan Yarow. Sagaashankii daqiiqo ee ay socotay ciyaarta ayaa waxay kusoo gaba-gabowday 2-1 ay ku badisay kooxdii ka socotay degmada Baydhabo.

Garoonka ciyaaraha magaalada Baydhabo waxaa dayactirtay hay’adda TIS oo wada-shaqeyn kala dhexeyso hay’adda USAID. Sidoo kale hay’addan ayaa wadda dhismooyin dhinaca arrimaha bulshada sida suuqyo, garoommo lagu ciyaaro iyo mashaariic kale oo fara badan.

Dhanka kale, magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka socda sidi lagu soo gaba-gabeyn lahaa shirka maamulka loo sameynta gobollada Koonfur-galbeed Soomaaliya, kaasoo maalmahan la kulmay carqalado kala duwan.




Hiiraan Online, Baydhabo