4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 4 , 2013
Hay’adda Zamzam oo Iskuul ka furtay Magaalada Baydhabo iyo Mas’uuliyiin ka hadlay furitaanka Iskuulkaas (SAWIRRO)


Arbaco, December 04, 2013 (HOL) — Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku soo badanaya iskuullada ama dugsiyada wax lagu barto sida dugsiga hoose, dhexe iyo kuwa sare kuwaas oo ay furayaan hay’ado caalimi ah, iyadoo ay iskuul degmada ka furtay dhawaan hay’adda ZAMZAM oo maxalli ah.

Iskuulkan oo ah mid lagu baranayo waxbarashada aasaasiga ah kaasoo loo sameeyey ceel ay ka cabaan ardayda iyo masaajid wayn oo loogu talo-galay iskoolka, waxaana loogu magac-daray Jamciyadda Sheekh Cabdalka Nuuri.

Furitaanka iskuulka ayaa waxaa kasoo qaybgalay mas’uuliyiin kala duwan iyo xubno uu ka mid ahaa guddoomiyaha jaamacadda Baydhabo, waxaana xariga ka jaray guddoomiyaha Baydhabo, Xasan Xasan Macallin Biikole.

Guddoomiyaha waxbarashada gobolka Bay, Maadeey Siidow oo xafladda ka hadlay ayaa shegay, isagoo sheegay in iskuulkan ay faa’iido badan ugu jirtay, isagoo u mahadceliyay hay’adda Zamzam iyo jamciyadda hirgelisay dhismaha iskuulkan oo saldhiggeedu yahay dalka Kuwait.

Sidoo kale, mas’uulkan wuxuu ka dalbaday hay’adda in macallimiinta ay siiyaan mushaaraad ku filan, waayo iskuullo fara badan ayaa la dhisay, balse waa laga kala tagay, sidaa daraadeed buu yiri waa in macallimiinta ardayda wax-baraysa la siiyo dhaqaale toos ah, taasoo noqon karta dhiirri-gelin.  



Hiiraan Online, Baydhabo