4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 4 , 2013
Ciidammada Nabadsugidda Qaranka oo Maanta hor-joogsaday Bannaanbax lagu Taageerayay Go'aankii Baarlamaanka Somalia

Arbaco, December 04, 2013 (HOL) — Ciidamada nabad-sugidda Qaranka ayaa maanta is-hortaag ku sameeyay dibadbax lagu taageerayay go’aankii uu baarlamaanka Soomaaliya kalsoonida kala laabtay xukuumadda ra’iisul wasaare Saacid oo Muqdisho ka dhici lahaa.

Bannaanbaxan oo aan la ogeyn ciddaa soo qaban-qaabisay ayaa waxaa ahaa mid ay kasoo qaybgaleen dhallinyaro, haween iyo waxgarad; kuwaasoo watay boorar ay ku sawirnaayeen madaxweynaha Soomaaliya iyo xubno kale oo dowladda ka tirsan.

Xilli lagu waday inuu dibadbaxan ka billowdo taallada sayidka ayaa waxaa halkaas gaaray ciidammo ka tirsan kuwa nabadsugidda kuwaasoo dadkii ka qaybgalayay dibadbaxa ku amray inay goobta isaga tagaan, aysanna qaban wax dibadbax ah.

“Qof walba gurigiisa ha aado, waa la diiday in dibadbax la dhigo, mana garan karno sababta keentay,” ayaya dadkii dibadbaxa ka qaybgalayay u sheegeen xubnihii hor-boodayay bannaanbaxaas.

Bannaanbaxayaasha qaarkood oo iyaguna warbaahinta la hadlay ayaa yiri: “Waxaan doonaynay inaan aragtideenna muujinno, balse taas waa naloo diiday, khasab ayayna nagu noqotay inaan kala tagno.”

Qorshana lagu sameynayay dibadbaxa ayaa kusoo beegmaya xilli maalin ka hor ay xidhibaannada barlamaanka Somalia kalsoonida kala laabteen ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo xukuumaddiisa.

Toddobaad ka hor ayay ahayd markii ciidamada nabadsugidda ay hor-istaag noocan oo kale ah ku sameeyeen dibadbax la doonayay in lagu taageero ra’iisul wasaare Saacid oo uu xilligaas khliaaf kala dhexeeyay madaxweynaha Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya