4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 4 , 2013
Iska-horimaad ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogaga Al-shabaab ku dhexmaray Degmada Huriwaa ee Gobolka Banaadir

Arbaco, December 04, 2013 (HOL) — Ugu yaraan laba ruux ayaa ku dhintay tiro intaas ka bandanna way ku dhaawacmeen iska-horimaad culus oo xalay ku dhexmaray degmada Huriwaa ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalkan ayaa yimid kaddib markii xoogag Al-shabaab taabacsan ay weerar ku qaadeen shineemo ku dhow isbitaalka SOS ee degmada Huriwaa, halkaasoo  saldhig u ahayd ciidamada nabadsugidda dowladda Soomaaliya.

Guddoomiyaha degmada Huriwaa, Cumar Cabdulle Jacfaan oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in laba ka mid ah kooxaha hubeysan ay dileen laba kalena ay gacanta ku dhigeen.

“Kooxo hubeysan oo Al-shabaab ka tirsan ayaa xalay weeraray saldhig ay kaga sugnaayeen ciidamada dowladda degmada Huriwaa, waxaana la jabiyay, markii aan daba-galnay waxaan tagnay guri ay hubka dhigteen, halkaas ayaana laba ka mid ah ku dilnay, laba kalena ku qabanay,” ayuu yiri Cumar Jacfaan.

Sidoo kale, guddoomiyuhu wuxuu sheegay in dagaalkan uu qayb ka yahay rabshado ay Al-shabaab kawaddo degmada, balse ay diyaar u yihiin inay ka hortagaan falal walba oo ammaanka lagu waxyeeleynayo.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa iyaguna sheegay inay saqdii dhexe ee xalay ay kusoo baraarugeen qaraxyada baasuukayaasha iyo rasaasta culus oo ay is-dhaafsanayeen dhinacyada dagaalamaya.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in saakay ay degmada ka socdaan baaritaanno xooggan, kuwaasoo dadka lagu qabqabanayo, waxaana dagaalkii xalay uu ka mid noqonayaa iskahorimaadyo iyo falal kala duwan oo degmadaas ka dhacayay sannadkan.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii degmadaas lagu dilay turjubaan ciiidamada AMISOM u shaqeynaya, iyadoo labadii qof ee dilkiisa geystay iyagana isla goobta lagu dilay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya