3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 4 , 2013
Maxkamad ku taal dalka Kenya oo diiday in damaanad lagu sii daayo wiilal Soomaali oo loo haysto weerarkii Westgate

Four Westgate terror suspects appear in a Nairobi court in November. The suspects were on Wednesday denied bail. PAUL WAWERU
Arbaco, December 04, 2013(HOL) - Maxkamad ku taalla dalka Kenya ayaa go'aamisay inaan damaanad lagu sii dayn karin wiilal Soomaali ah oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen weeraradii lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate oo ay ku dhinteen dad kor u dhaafay 67 ruux.

Maxkamada ayaa sheegtay in go'aankeeda ay ku salaysay baqdin dhinaca ammaanka ah amaba in faragalin lagu sameeyo kiiska hadii damaanad lagu sii daayo wiilashan.

Eedaysanayaasha oo ah afar wiil oo dhalinyaro ah ayaa dacwad oogayaashu ku eedeeyeen inay si toos ah ugu xirnaayeen kooxihii fuliyay weerarkii Westgate oo ururka Alshabaab ay sheegteen masuuliyadiisa.

Qoysaska wiilasha loo haysto eedaymaha ayaa sheegay inaysan jirin wax lug ah oo ay ku lahaayeen weeraradaas balse lagu soo qabqabtay hawlgallo aan si aan kala sooc lahayn loogu taxaabay xabsiyada boqollaal Soomaali ah markii ay dhaceen weeraradii Westgate oo dhaliyay cadaadis ballaaran oo ay dawlada Kenya saartay Soomaalida ku dhaqan Kenya taasoo ay kamid tahay go'aanka lagu xirayo xeryaha qaxootiga ee Soomaalida.

Waa Kuwaan magacyada Wiilasha maxkamada lasoo taagay:

1: Maxamed Axmed Cabdi
2: Liibaan C/laahi
3: Xusseen Xassan
4: Cadnaan Ibraahim

Waxaana dhammaantood laga soo qabtay xaafada Islii ee Soomaalidu ku badantahay 9-kii bishii October xilligaas oo ay soo taxaabeen booliska gaarka ah ee loo tababaray la dagaallanka argagixisada.

Axmed C/samad, Hiiraan Online"
[email protected]
Nairobi , Kenya












Click here
12/4/2013 1:13 PM EST
Arbaco, December 04, 2013 (HOL) —Xulka kubadda cagta Soomaaliya ayaa galabta gabi ahaanba isaga haray koobka bartamaha iyo bariga Africa oo sanadkan ka soconaya wadanka Kenya,waxaana ciyaartoyda Soomaaliya ay ku guul-daraysteen in Group B ay dhibco ka heleen,iyadoo ciyaaro adag horey ula soo yeeshay xulalka kala ah Tanzania iyo Burundi.

12/4/2013 12:16 PM EST
Arbaco, December 04, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa maanta ka qayb-galay kulankan lagu soo gaba-gabeynayay xarunta AMISOM ee Muqdisho, kaasoo looga hadlayay doorka haweenku ay ku leeyihiin ka hortagga tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo kaalinta ay ku leeyihiin horumarka dalka, iyadoo xiritaanka kulankan ay goob-joog ka ahaayeen, wasiirka horumarinta adeegga bulshadda, Maryan Qaasim, dajire Nicholas Kay, danjirayaasha dalalka Talyaaniga, Sweden u jooga Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

12/4/2013 11:37 AM EST
Arbaco, December 04, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa markii ugu horreysay ka jawaab celiyay diidmo ay kala horyimaadeen guddi uu magacaabay musharraxiinta Puntland oo iyagu madaxweyne Faroole kula tartamaya doorashada soo socota ee dhici doonta bisha Koowaad ee sannadka soo socda 2014-ka.

12/4/2013 11:25 AM EST
Arbaco, December 04, 2013 (HOL) — Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku soo badanaya iskuullada ama dugsiyada wax lagu barto sida dugsiga hoose, dhexe iyo kuwa sare kuwaas oo ay furayaan hay’ado caalimi ah, iyadoo ay iskuul degmada ka furtay dhawaan hay’adda ZAMZAM oo maxalli ah.

12/4/2013 11:01 AM EST
Arbaco, December 04, 2013 (HOL) — Wafdi uu hogaaminayo murrashaxa madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa maanta laga horjoogsaday inay galaan Gobolka Gabilay.

12/4/2013 7:02 AM EST
Arbaco, December 04, 2013 (HOL) — Ciidamada nabad-sugidda Qaranka ayaa maanta is-hortaag ku sameeyay dibadbax lagu taageerayay go’aankii uu baarlamaanka Soomaaliya kalsoonida kala laabtay xukuumadda ra’iisul wasaare Saacid oo Muqdisho ka dhici lahaa.

12/4/2013 6:50 AM EST
Arbaco, December 04, 2013 (HOL) — Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta sheegay inay la wareegi doonaan guryaha burbursan ee Muqdisho ku yaalla haddii milkiilayaasha iska leh ay ku dhisi waayaan muddo saddex bilood gudahood ah.

12/4/2013 6:30 AM EST
Arbaco, December 04, 2013 (HOL) — Xulka kubadda cagta Soomaaliya ayaa maanta kulankii seddexaad ee Group-ka B la yeelanaya xulka kubadda cagta Zambia ciyaar ka tirsan koobka bartamaha iyo bariga Afrika, iyadoo ciyaartan ay maanta afarta galabnimo ka dhacayso garoonka Nyanyo National Stadium ee Kenya.

12/4/2013 1:41 AM EST
Arbaco, December 04, 2013 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay toddoba kalena way ku dhaawacmeen qaraxyo is-xigay oo xalay ka dhacay maqaahi ku taalla degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo.

12/4/2013 1:29 AM EST
Arbaco, December 04, 2013 (HOL) — Ugu yaraan laba ruux ayaa ku dhintay tiro intaas ka bandanna way ku dhaawacmeen iska-horimaad culus oo xalay ku dhexmaray degmada Huriwaa ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab.