4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 4 , 2013
Qaraxyo geystay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac oo xalay fiidkii ka dhacay Degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo

Arbaco, December 04, 2013 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay toddoba kalena way ku dhaawacmeen qaraxyo is-xigay oo xalay ka dhacay maqaahi ku taalla degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo.

Maqaahidan ayaa ahayd mid ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda iyo dad shacab ah ayaa ka dhacay laba qarax oo waaweyn, iyadoo mas’uuliyadda qaraxyadan ay sheegatay Al-shabaab.

Guddoomiyaha degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa sheegay inay ka dhaceen degmada Ceel-waaq laba qarax oo waaweyn, kuwaasoo ay kasoo gaartay khasaare ciidamada dowladda iyo dad shacab ah.

Qaraxyadan ayaa markii ay dhaceen waxaa hawada laga saaray isgaarsiinta degmadaas oo dhan, iyadoo ciidamadu ay baaritaanno sameeyeen, kuwaas oo la ogeyn cidda ay kusoo qab-qabteen.

Degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo ayaa waxay ka mid tahay goobaha ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ka socda dalka Kenya.

Ma ahan markii ugu horreysay oo weerarro noocan oo kale ah ay ka dhacaan degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo, balse dhowr jeer oo hore ayay ka dhaceen, iydaoo wararka qaarkood ay sheegayaan in khasaarihii ka dhashay qaraxyadii xalay dhacay ay ka badan yihiin tirada hadda la ogyahay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya