4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 4 , 2013
Xisbiga UCID oo Sheegay in Xukuumaddu ay Maanta ka Hor-joogsatay in ay galaan Magaaladda Gabiley (SAWIRRO)


Arbaco, December 04, 2013 (HOL) — Wafdi uu hogaaminayo murrashaxa madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa maanta laga horjoogsaday inay galaan Gobolka Gabilay.

Weftiga  UCID oo ay ka  mid ahaayeen Xoghayaha Maaliyadda Xisbiga UCID Faadumo Siciid, guddoomiyaha garabka Haweenka ee Xisbiga UCID Xaliimo Cismaan Raage, Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga UCID , Xildhibaano iyo Saraakiil sar sare oo Xisbiga UCID ka mid ah oo doonayey inay tartan ciyaareed u qabtay xulalka gobolka Gabiley ayaa maanta loo diiday inay galaan magaaladda.

Jamaal Cali Xuseen ayaa sheegay in haddii loo ogolaan waayo inay galaan magaaladda Gabiley ay kaga jawaabi waayaan mudaharaad, isla markaana caalamka iyo dalalka daneeya Somaliland usoo bandhigi doonaan xayiraadda xisbigoogga loogu sameeyey.

"Hore umaanaan ogayn xayiraadan nala saaray, Kulmiye-na wali lagama xayirin meel ay tagayeen laakiin marka la taabto waxyaalo badan ayey samayn jireen, waxaana  noo qorshaysan inaanu halkan joogno oo aanu mudaharaad ka abaabulno, hadhawna aanu mudaharaadka magaalada Hargeysa iyo umada oo dhan iskugu yeedhno oo aanu umada tusno in dalka fawdo lagu wado oo la doonayo inuu hal xisbi ka shaqeeyo"ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlayey waxay kaga jawaabi doonaan galitaankaasi loo diiday inay galaan gobolka Gabiley.

Dhinaca kale, xisbiga mucaaradka ah ee WADANI ayaa Cambaareeyey xadhiga lagula kacay koox wariyeyaal ah oo shalay xabsiga loo taxaabay iyo talaabaddii lagaga hor joogsaday weftiga Xisbiga UCID inay galaan magaaladda Gabiley.

"Waxaad Ogtihiin xukuumada talada dalka hayse ee kulmiye in xoog ku cabudhinayso saxaafadii madax-banaanad in cago juglayn  iyo dhibaato badan ay xukuumadu ku hayso in ilaa hada ay xabsiga ku xidhan yihiin qaar ka mid ah warbaahintii madaxa banaan oo dumuq-raadiyadii shacabka reer Somaliland oo dhami ay ku faanayeen in xukuumada kulmiye ay madawo galisay”ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenka kuwaad ee xisbiga WADANI Axmed Mumin Seed oo ka hadlayey xadhigii loo gaystay wariyeyaal ka hawlgalla magaaladda Hargeysa .

Sidoo kale, gudoomiye Axmed Seed wuxuu cambaareeyey is hortaaga lagu sameeyey xisbiga UCID oo hawlo shaqo u tagayey gobolka Gabiley.

“Waxaan aad iyo aad U canbaaraynayaa in wafti uu hogaaminayo musharax madaxwaynaha ee xisbiga UCID in hada lagu joojiyey Caabudla oo la hordhigay ciidamo badan isaga oo ku socda magaalada Gabiley arinkaasina waa arin nuqsaani ku jirto oo qaranka Somaliland waxa udhimaysa dumuq-raadiyadiina baalmarsan waxaan leeyahay xukuumada Siilaanyo heer waxa ay idinka gaadhay inaad tidhaahaan xisbiyada mucaaradka ahi ma tagi karaan gobolada”ayuu yidhi Seed.

Si kastaba ha ahaatee, waxa maalmihii u dambeeyey hadalo ad adagi dhexmarayey xisbiga UCID iyo xukuumadda,haseyeeshee talaabadan ay xukuumaddu ugu diiday xisbiga UCID inay gallaan magaaladda Gabiley ayey dadweynuhu aad ula yaabeen, isla markaana ku tilmaameen mid khalad ah in xisbi Qaran laga horjoogsado hawlihiisa shaqo.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa laba cisho ka hor markii uu madaxweynuhu ka soo laabtay gobolka Gabiley oo mashaariic kala duwan oo uu qaarna xadhiga ka jaray, qaar kalana soo dhagax dhigay,isla markaana kulamo la yeeshay waxgaradka iyo odayaasha gobolka Gabiley.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland