3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 27, 2012
Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland oo ku dhawaaqday Natiijaddii Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Somaliland
Khamiis, September 27, 2012 (HOL) — Wasiirka Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare ee Somaliland marwo: Samsam Cabdi Aadan, ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay natiijadii imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyadda sare iyo kuwa dhexe/hoose.

Xafladan lagaga dhawaaqayey natiijadda dugsiyadda sare iyo kuwa dhexe, waxa goob joog ka ahaa guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka Qaranka Daa’uud Axmed Faarax, maamuleyaasha dugsiyadda sare iyo dhexe, waxaana halkaas lagaga dhawaaqay dugsiyada tobanka ugu sareeya galay iyo gobolooyinka ay ku yaalaan.

Wasiiradda ayaa sheegtay in tiradda imtixaanka dugsiyadda sare u fadhiistay ay ahayd 63 dugsi sare, waxaanay ardaydu dhamayd 5,842 arday, waxaana gudbay 5,645 arday, halka saddex arday dhaceen, isla marakana 168 arday aanay galin imtixaanka, 26 no grade ay ahayd (laga calaamadiyey).

Dugsiyadda dhexe ayaa iyana waxa imtixaanka u fadhiistay 11,626 arday, 10,669 arday ayaa gudbay, 531 arday way hadheen, 407 may galin,  19 waa No Grade , waxaanay ka koobnaayeen 218 dugsi dhexe oo ku kala yaalla goboladda oo dhan.

Wasiirka waxbarashadda ayaa uga mahadcelisay ardaydii dadaalka dheeraadka samaysay iyo waalidkood, waxa kale oo ay u mahadcelisay maamulada gobolada qaarkood oo ay xustay inay awood dheeraad ah galiyeen waxbarashadda iyo inay natiijo fiican keenaan.

Sidoo kale, waxa dugsiyadda sare ee Somaliland ugu sareeyey imtixaanka shahaadiga ardayga magaciisa la yidhaa Maxamuud Muuse Cali Cige oo dhigta dugsiga gaarka loo leeyahay ee NUURADIIN, halka dugsiyadda dhexana uu ugu sareeyey  Mustafe Ismaaciil Maxamed Cismaan oo dhigta dugsige dhexe ee Nuuraadiin.

Sanadkan waxa kaalmaha ugu sareeyey galay dugsigan Nuuradiin oo ah dugsi gaar loo leeyahay, waxaana kaalmaha hore ka muuqan dugsiyada dawladda, taas oo ceeb ku ah wasaaradda waxbarashadda in dugsiyadda gaarka loo leeyahay xaga waxbarashadda kaga horeeyaan, maadaama oo sanadihii hore dugsiyada dawladdu ay kaalmaha hore gali jireen.

Inta badan dugsiyadda Somaliland ayaa ku tartama ka mid noqoshadda tobanka Arday ee ugu sareeye imtixaanka shahaadiga ah, haseyeeshee wasaaradda waxbarashada ayaa sheegtay in ardayda dugsiyada dawlada dhigataa ay dhibco wanaagsan keeneen una badan yihiin darajadda A-da.

Dugsiyada dawladda maamusho ayaa inta badan lagu dhaliilaa inay ka dadaal yar yihiin kuwa gaarka loo leeyahay, maadaama oo mushahar ku filan aan la siin macalimiinta, isla markaana macalimiinta ugu wanaagsani ay dhigaan dugsiyada gaarka loo leeyahay, taasinna ay keento in mar walba laga tayo fiicnaado dugsiyada dawladda ama kaalmaha hore ku bataan dugsiyadda gaarka loo leeyahay.

Dhinaca kale, dugsiga sare ee SOS ee magaaladda Sheekh oo la fadhiista imtixaanka shahaadiga ah dugsiyada Somaliland, ayaa gaar loo qiimeeyaa, maadaama dhibco aad u sareeya ka keenaan imtixaanka, isla markaana ay ku jiraan dugsi hoy ah oo ay wax baraan macalimiin ajanabi ah, waxaana dhigta dugsigan ardayda ugu saraysa  imtixaanka dugsiyada dhexe ee Somaliland.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online  
[email protected]
Hargeysa, Somaliland












Click here
9/27/2012 9:26 AM EST
Khamiis, September 27, 2012 (HOL) — Ugu yaraan afar qof oo ay ku jirto haweeney ka ganacsata caanaha ayaa ku dhaawacmay qarax ka dhashay bam gacmeed lagu weeraray gaari ay wateen ciidamada dowladda Soomaaliya oo marayay isgoyska KM-4 ee Muqdisho oo ah mid aad u mashquul badan.

9/27/2012 8:59 AM EST
Khamiis, September 27, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo taleefoonka la iska arko uga qaybgalay shir looga hadlayay arrimaha Soomaaliya oo xalay ka dhacay magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa sheegay inay ka shaqeyn doonaan afarta sano ee soo socota sugidda ammaanka iyo dib u dhiska dalka.

9/27/2012 8:21 AM EST
Khamiis, September 27, 2012 (HOL) — Hay'adda nabadsugidda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay 80 qof oo dhallinyaro ah, kuwaasoo lagu soo qabqabtay howgallo laga sameeyay degmooyinka Muqdisho 24-kii saac ee ugu dambeeyay.

9/27/2012 8:00 AM EST
Khamiis, September 27, 2012 (HOL) — Taliyaha ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowgga Afrikaa ee dhawaan gaaray magaalada Baladweyne, Col. Cismaan Dubad ayaa baaq u dirray dhalinyarrada ka tirsan Xarrakada Al-shabaab.

9/27/2012 7:55 AM EST
Khamiis, September 27, 2012 (HOL) — Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in laba mid ah saraakiishii ururka Xisbul Islaam la qabtay shalay xilli ay ka dhoofayeen garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo, inkastoo wadahadallo dheer kaddib lasii daayay maanta.

9/27/2012 3:56 AM EST
Khamiis, September 27, 2012 (HOL) — Maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay wadaa qorsheyaal la doonayo in lagu xaqiijiyo amniga magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

9/27/2012 3:53 AM EST
Khamiis, September 27, 2012 (HOL) — Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon ayaa ammaanay horumarka dhinaca dimuqraadiyadda ah ee ay ku tallaabsatay Soomaaliya, isagoo beesha caalamka ugu yeeray inay sii wadaan gargaarkii ay siin jireen Soomaaliya.

9/27/2012 3:24 AM EST
Khamiis, September 27, 2012 (HOL) — Taliyaha booliiska gobolka Bay, Col. Mahad C/raxmaan ayaa saxaafadda u sheegay in dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo lagu helay dambiyadii lagu soo eedeeyay ay maxkamadda ciidamada qalabsida faraceeda Baydhab ay ku ridday xukunno kala duwan.

9/27/2012 3:13 AM EST
Khamiis, September 27, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Nuur Caraale (Duur), ayaa maanta hortagay guddi hoosaadka Arrimaha gudaha iyo nabadgalyadda golaha Wakiiladda, kuwaas oo wax ka waydiiyey xaaladda amniga ee dalka, cafiskii uu u fidiyey dhalinyaradda Al-shabaab iyo inuu ka tirsan yahay ururka islaamiga ah ee Islaax.