Khamiis, September 27, 2012 (HOL) — Hay'adda nabadsugidda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay 80 qof oo dhallinyaro ah, kuwaasoo lagu soo qabqabtay howgallo laga sameeyay degmooyinka Muqdisho 24-kii saac ee ugu dambeeyay.
Taliyaha ciidamada nabadsugidda gobolka Banaadir ayaa sheegay in baaritaano ay ku sameeyeen dhallinyarada ay 30 ka mid ah ku waayeen dambiyadii loo haystay, halka inta kalena ay weli ku wadaan baaritaanno, wuxuuna u digay milkiilayaasha iska leh guryaha ku yaalla Muqdisho.
"Howgallo 24-kii saac ee ugu dambeeyay aan ka sameynay Muqdisho ayaa waxaa lagu soo qabqabtay 80 qof, waxaana ku jira kuwo qirtay inay Al-shabaab ka tirsan yihiin, ayna lug ku lahaayeen falalkii ammaan-darro ee dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ka dhacayay Muqdisho," ayuu yiri Col. Khaliif Axmed Ereg oo shir jaraa'id qabtay maanta.
Sidoo kale, Col. Ereg wuxuu sheegay in howgalladu ay socon doonaan inta laga xaqiijinayo ammaanka guud ee caasimadda Soomaaliya, wuxuuna sheegay in cid walba oo ay qabtaan ay marin doonaan baaritaanno, ciddii uu shaki weyn ka galana ay u gudbinayaan maxkamadaha dalka.
Dhanka kale, taliyuhu wuxuu sheegay in gurigii laga helo hub ama laga soo qabto qof ka tirsan Al-shabaab ay dowladdu la wareegi doonto, isagoo xusay in milkiilayaasha iska leh guryaha ku yaalla Muqdisho looga baahan yahay inaysan cid walba guryahooda ka kireyn, ayna sharciga maraan marka ay guryaha kireynayaan.
"Milkiilayaasha guryaha waxaan ugu baaqaynaa inay saldhigyada iyo degmooyinka geeyaan dadka ay guryaha ka kireynayaan, haddii kale waxaa dhacaysa in haddii laga helo guryahooda hub ama xubno ka tirsan Al-shabaab, waxaa gurigaas si toos ah ula wareegaysa dowladda," ayuu yiri taliyaha nabadsugidda gobolka Banaadir.
Howgalladan dadka badan lagu soo qabqabtay ayaa waxay imaanayaa xilli ay ay ka dhacayeen Muqdisho toddobaadyadii ugu dambeeyay qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay naftooda ku waayeen dad ku dhow 50-qof oo ay ku jireen suxufiyiin.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Hay'adda Nabadsugidda Gobolka Banaadir oo soo bandhigay dad fara badan oo lagu soo Qabtay Howgallo laga Sameeyay Muqdisho
More News
- Bam Gacmeed sababay dhaawacyada dad shacab ah oo ciidammo ka tirsan dowaldda lagula beegsaday Isgoyska KM-4 ee Muqdsiho
- Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland oo ku dhawaaqday Natiijaddii Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Somaliland
- Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in Xukuumadda lasoo dhisayo ay ka shaqeyn doono dib u dhiska dalka iyo Ammaanka
- Taliyaha Ciidamada Jabuuti ee ku sugan Baladweyne oo baaq u diray Dhalinyarrada ka tirsan Xarakada Al-shabaab
- Mas'uuliyiin ka tirsan Xisbul Islaam oo laga qabtay Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo iyadoo lasii daayay Wadahadallo Kaddib
- Maamulka Gobolka Hiiraan oo sheegay inuu wado Qorshe wax looga qabanayo Amniga Magaalada Baladweyne
- Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay Ban Ki-Moon oo Calaamka ugu Baaqay inay kordhiyaan Taageerada Soomaaliya
- Taliska Booliiska Gobolka Bay oo sheegay in Maxkamadda Ciidamadu ay xukunno kala duwan ku ridday xubno ka tirsanaa Al-shabaab
- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland: "Wadaadku wuxuu xaq u leeyahay inuu Talada dalkiisa ka qayb-gallo"