Khamiis, September 27, 2012 (HOL) — Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in laba mid ah saraakiishii ururka Xisbul Islaam la qabtay shalay xilli ay ka dhoofayeen garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo, inkastoo wadahadallo dheer kaddib lasii daayay maanta.
Labada mas'uul ee la qabtay ayaa kala ahaa: Sheekh Maxamed Macallin Cali iyo Sheekh Xasan Mahdi oo labadaba ka mid ahaa saraakiishii ururkii Xisbul Islaam oo ku biiray Al-shabaab sannadkii 2010, kaddib culeysyo milateri oo ururkaas la saaray.
Saraakiil ka tirsan maamulka Puntland oo si hoose saxaafadda ula hadlay ayaa sheegay in labada mas'uul ay kasoo dageen garoonka gaalkacyo toddobaad ka hor ayna daba-gal ku hayeen tan iyo xilligaas, ugu dambeynna la qabtay xilli ay doonayeen inay dhoofaan.
Inkastoo aan la sheegin halka ay u dhoofayeen iyo halka ay markii hore ka yimaadeen ayaa haddana, saraakiishu waxay sheegeen in tan iyo xalay ay xabsiga ku jireen, balse wadahadallo dheer kaddib ay maanta sii daayeen.
Sheekh Maxamed Macallin oo ahaa xogyihii Xisbul Islaam ayaa laba maalmood ka hor u sheegay warbaahinta inay go'aansadeen inay ka baxaan Al-shabaab ayna la hadlaan cid walba oo ay u arkaan inay waddo maslaxadda ummadda Soomaaliya.
Maamulka Puntland ayaan weli ka hadlin arrintaan, iyadoo sidoo kale labada mas'uul aysan ka hadlin xarigga loo geystay, sababta ay gobolka Mudug u tageen iyo halka ay ku socdeen intaba, iyadoo aan la ogeyn inay dhoofeen iyo inay weli ku sugan yihiin gobolka Mudug.
Degmada Xarardheere ee gobolka Mudug oo ay gacanta ku hayso Al-shabaab uu ku sugnaa bilihii ugu dambeysay Maxamed Cismaan Caruus oo ahaa afhayeenkii Xisbul Islaam, balse markii dambe ku biiray Xarakada Al-shabaab.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Mas'uuliyiin ka tirsan Xisbul Islaam oo laga qabtay Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo iyadoo lasii daayay Wadahadallo Kaddib
More News
- Bam Gacmeed sababay dhaawacyada dad shacab ah oo ciidammo ka tirsan dowaldda lagula beegsaday Isgoyska KM-4 ee Muqdsiho
- Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland oo ku dhawaaqday Natiijaddii Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Somaliland
- Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in Xukuumadda lasoo dhisayo ay ka shaqeyn doono dib u dhiska dalka iyo Ammaanka
- Hay'adda Nabadsugidda Gobolka Banaadir oo soo bandhigay dad fara badan oo lagu soo Qabtay Howgallo laga Sameeyay Muqdisho
- Taliyaha Ciidamada Jabuuti ee ku sugan Baladweyne oo baaq u diray Dhalinyarrada ka tirsan Xarakada Al-shabaab
- Maamulka Gobolka Hiiraan oo sheegay inuu wado Qorshe wax looga qabanayo Amniga Magaalada Baladweyne
- Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay Ban Ki-Moon oo Calaamka ugu Baaqay inay kordhiyaan Taageerada Soomaaliya
- Taliska Booliiska Gobolka Bay oo sheegay in Maxkamadda Ciidamadu ay xukunno kala duwan ku ridday xubno ka tirsanaa Al-shabaab
- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland: "Wadaadku wuxuu xaq u leeyahay inuu Talada dalkiisa ka qayb-gallo"