Khamiis, September 27, 2012 (HOL) — Ugu yaraan afar qof oo ay ku jirto haweeney ka ganacsata caanaha ayaa ku dhaawacmay qarax ka dhashay bam gacmeed lagu weeraray gaari ay wateen ciidamada dowladda Soomaaliya oo marayay isgoyska KM-4 ee Muqdisho oo ah mid aad u mashquul badan.
Inkastoo aysan wax khasaare ah kasoo gaarin qaraxaas ciidamadii lagu weeraray ayaa haddana ciidamadu waxay markiiba fureen rasaas aanay cidina wax ku noqon; iyadoo ciidamadu ay qabqabteen dhowr qof oo qaarkiid markii dambe lasii daayay, halka kuwo kalena ay ciidamadu wateen.
"Qaraxu wuxuu ka dhashay bam lagu tuuray gaari ay ciidamada dowladdu wateen oo marayay isgoyska KM-4, waxaan arkay dhaawacyada ugu yaraan afar qof oo laba ka mid ah ay aad u daran yihiin," ayuu yiri Cali Muumin oo ah ganacsade ku sugnaa isgoyskaas.
Goobjoogayaal kale ayaa sheegay in haweeneyda ku dhaawacantay ay ahayd mid ka shaqeysata caanaha, uuna dhiig badan ka baxay ka hor intii aanay suurogelin in laga qaado halkaas si isbitaallada loo geeyo.
Isgoyska KM-4 oo ah mid aad u mashquul badan ayay noqonaysaa markii ugu horreysay oo qarax lagula beegsado ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, iyadoo aanay jirin cid sheegatay inay mas'uul ka tahay weerarkaas.
Dowladda cusub ee Soomaaliya ayaa waxay u muuqataa mid la tacaalaysa xalaado ammaan-darro oo kusoo kordhaya Muqdisho, waxaana qaraxan bambaano uu kusoo beegmayaa iyadoo toddobaadkan horraantiisii ay qaraxyo dad badan dilay ka dhaceen Muqdisho.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Bam Gacmeed sababay dhaawacyada dad shacab ah oo ciidammo ka tirsan dowaldda lagula beegsaday Isgoyska KM-4 ee Muqdsiho
More News
- Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland oo ku dhawaaqday Natiijaddii Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Somaliland
- Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in Xukuumadda lasoo dhisayo ay ka shaqeyn doono dib u dhiska dalka iyo Ammaanka
- Hay'adda Nabadsugidda Gobolka Banaadir oo soo bandhigay dad fara badan oo lagu soo Qabtay Howgallo laga Sameeyay Muqdisho
- Taliyaha Ciidamada Jabuuti ee ku sugan Baladweyne oo baaq u diray Dhalinyarrada ka tirsan Xarakada Al-shabaab
- Mas'uuliyiin ka tirsan Xisbul Islaam oo laga qabtay Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo iyadoo lasii daayay Wadahadallo Kaddib
- Maamulka Gobolka Hiiraan oo sheegay inuu wado Qorshe wax looga qabanayo Amniga Magaalada Baladweyne
- Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay Ban Ki-Moon oo Calaamka ugu Baaqay inay kordhiyaan Taageerada Soomaaliya
- Taliska Booliiska Gobolka Bay oo sheegay in Maxkamadda Ciidamadu ay xukunno kala duwan ku ridday xubno ka tirsanaa Al-shabaab
- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland: "Wadaadku wuxuu xaq u leeyahay inuu Talada dalkiisa ka qayb-gallo"