6/4/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 27, 2012
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland: "Wadaadku wuxuu xaq u leeyahay inuu Talada dalkiisa ka qayb-gallo"

Khamiis, September 27, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Nuur Caraale (Duur), ayaa maanta hortagay guddi hoosaadka Arrimaha gudaha iyo nabadgalyadda golaha Wakiiladda, kuwaas oo wax ka waydiiyey xaaladda amniga ee dalka, cafiskii uu u fidiyey dhalinyaradda Al-shabaab iyo inuu ka tirsan yahay ururka islaamiga ah ee Islaax.

"Islaax waa urur salmi ah ama nabadeed, waana urur diini ah, isdiidimaayaan inay urur siyaasi ah yihiin oo diinta iyo siyaasadu isma diidaan, waxay siyaasiyiin noqon karaan oo ay xoriyadooda siyaasadeed gali karaan, iyagga oo diintiina sita, fikir qaloocan ayay ahayd in wadaadka loo daayo Masjidka, wadaadku waxa uu u xaq u leeyahay inuu tallada dalkiisa ka qayb-gallo, markaa maaha niman dagaal ku jira Islaax"ayuu kaga jawaabay mar wax laga waydiiyey ururka Islaax, balse waxa uu sheegay in aanu ku jirin ururkaasi.

Wasiirka oo su’aalo aad u ad-adag la waydiiyey ayaa waxa kale oo la waydiiyey sababta uu cafis uu ugu fidiyey alshabaab, wuxuuse kaga jawaabay inuu kaliya cafis u fidiyey dhalinyaradda fikira Al-shabaab aaminsan oo loo baahan yahay in laga wacyigeliyo, "Waxaan kula qabbaa inaan Al-shabaab la fudaydsan mana fudaydsano, laakiin ninka dhalinyarta ah ee fikirka la galiyey in laga reebana way haboon tahay"ayuu yidhi wasiirku .

Wasiirka waxa kale, oo lagu eedeeyey inay dadka danyarta ah isaga iyo maayarka Hargeysa xoog ku raraan, taas oo dhibaato badan ka soo gaadho cagafcagafyada dawlada hoose iyo ciidanka booliska oo loo adeegsado marka la rarayo, waxanu kaga jawaabay " imika oo kale xarunta badhasaabka ee ugu dambaysay ee dadka laga raray, waxa laga dhisayaa xarunta cusub ee Wasaarada arimaha gudaha iyo xarunta wasaarada arimaha dibada, labadaa xaruumood in la dhisaana waa waajib dawli ah, markaa dan gaar ah maaha waxaanu wadnaa, maanta haddii aan dan gaar ah umadda danyarta ah ugu durduriyo illaahay iyo Umadduba way I arkayaan".

Wasiirku waxa kale oo wax laga waydiiyey xidhiidhka ay la leeyihiin Soomaaliya nooca uu yahay, waxaanu sheegay in marxaladaha kala duwan ee ka socda Soomaaliya ay saamayn ku yeelanayso Somaliland, sidaa darteed ay xidhiidh xog ogaalnimo ah la leeyihiin wax kasta oo ka socda Soomaaliya, isla markaana ay la socdaan xaaladda isbedbedelaysa ee mar walba ka socda.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland













Click here
9/27/2012 9:26 AM EST
Khamiis, September 27, 2012 (HOL) — Ugu yaraan afar qof oo ay ku jirto haweeney ka ganacsata caanaha ayaa ku dhaawacmay qarax ka dhashay bam gacmeed lagu weeraray gaari ay wateen ciidamada dowladda Soomaaliya oo marayay isgoyska KM-4 ee Muqdisho oo ah mid aad u mashquul badan.

9/27/2012 9:04 AM EST
Khamiis, September 27, 2012 (HOL) — Wasiirka Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare ee Somaliland marwo: Samsam Cabdi Aadan, ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay natiijadii imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyadda sare iyo kuwa dhexe/hoose.

9/27/2012 8:59 AM EST
Khamiis, September 27, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo taleefoonka la iska arko uga qaybgalay shir looga hadlayay arrimaha Soomaaliya oo xalay ka dhacay magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa sheegay inay ka shaqeyn doonaan afarta sano ee soo socota sugidda ammaanka iyo dib u dhiska dalka.

9/27/2012 8:21 AM EST
Khamiis, September 27, 2012 (HOL) — Hay'adda nabadsugidda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay 80 qof oo dhallinyaro ah, kuwaasoo lagu soo qabqabtay howgallo laga sameeyay degmooyinka Muqdisho 24-kii saac ee ugu dambeeyay.

9/27/2012 8:00 AM EST
Khamiis, September 27, 2012 (HOL) — Taliyaha ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowgga Afrikaa ee dhawaan gaaray magaalada Baladweyne, Col. Cismaan Dubad ayaa baaq u dirray dhalinyarrada ka tirsan Xarrakada Al-shabaab.

9/27/2012 7:55 AM EST
Khamiis, September 27, 2012 (HOL) — Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in laba mid ah saraakiishii ururka Xisbul Islaam la qabtay shalay xilli ay ka dhoofayeen garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo, inkastoo wadahadallo dheer kaddib lasii daayay maanta.

9/27/2012 3:56 AM EST
Khamiis, September 27, 2012 (HOL) — Maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay wadaa qorsheyaal la doonayo in lagu xaqiijiyo amniga magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

9/27/2012 3:53 AM EST
Khamiis, September 27, 2012 (HOL) — Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon ayaa ammaanay horumarka dhinaca dimuqraadiyadda ah ee ay ku tallaabsatay Soomaaliya, isagoo beesha caalamka ugu yeeray inay sii wadaan gargaarkii ay siin jireen Soomaaliya.

9/27/2012 3:24 AM EST
Khamiis, September 27, 2012 (HOL) — Taliyaha booliiska gobolka Bay, Col. Mahad C/raxmaan ayaa saxaafadda u sheegay in dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo lagu helay dambiyadii lagu soo eedeeyay ay maxkamadda ciidamada qalabsida faraceeda Baydhab ay ku ridday xukunno kala duwan.