4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 27, 2012
Taliska Booliiska Gobolka Bay oo sheegay in Maxkamadda Ciidamadu ay xukunno kala duwan ku ridday xubno ka tirsanaa Al-shabaab

Khamiis, September 27, 2012 (HOL) — Taliyaha booliiska gobolka Bay, Col. Mahad C/raxmaan ayaa saxaafadda u sheegay in dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo lagu helay dambiyadii lagu soo eedeeyay ay maxkamadda ciidamada qalabsida faraceeda Baydhab ay ku ridday xukunno kala duwan.

Col. Mahad ayaa sheegay in dagaalyahannada la xukumay ay tiradoodu ahayd toddoba, kuwaasoo dambiyadii loo haystay loo markhaatiyaan cad-cad markaas kaddibna ay maxkamaddu ku ridday xukunno xabsi ah oo u dhexeeya lix illaa siddeed sanadood.

"Kulanka ay maamulka gobolka Bay iyo saraakiishu yeesheen ayaa lagu go'aamiyay in toddobadan ruux oo ka mid ah kuwo loo haysto falal dambiyeedyo kala duwan oo ay ka geysteen Baydhabo lasoo taago maxkamadda, waxaana lagu helay dambiyadii loo haystay oo dhan, waana la xukumay," ayui yiri Col. Mahad.

Sidoo kale, sarkaalku wuxuu sheegay inay xabsiga ku jiraan xubno kale oo lagu soo qabqabtay howgallo magaalada laga sameeyay, kuwaasoo qaarkood loo haysto inay ka fuliyeen magaalada qaraxyo iyo dilal qorsheysan, dhawaanna lasoo taagi doono maxkamadda, haddii dambiyadu ku cadaadaanna la xukumi doono.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ay maxkamadda ciidamada dowladda Soomaaliya faraceeda Baydhabo ay xukunno ku riddo dad loo haysto falal ammaan-darro oo ay ka geysteen magaaladaas, waxaase horay ay u xukuntay kotomeeyo ruux oo isugu jiray xubno Al-shabaab ka tirsan iyo ciidamada dowladda oo dambiyo lagu helay.

Degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay oo bishii Feberaayo ee sannadkan ay la wareegeen gacan ku haynteeda ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ayaa waxaa ka dhacaya tan iyo xilligaas falal ammaan-darro oo qaarkood ay naftooda ku waayeen dad badan oo shacab ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya