Khamiis, September 27, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo taleefoonka la iska arko uga qaybgalay shir looga hadlayay arrimaha Soomaaliya oo xalay ka dhacay magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa sheegay inay ka shaqeyn doonaan afarta sano ee soo socota sugidda ammaanka iyo dib u dhiska dalka.
Xasan Sheekh ayaa khudbad uu shirkaas ka jeediyay ku sheegay in dowladda uu soo dhisi doono ra'iisul wasaaraha uu magacaabayaa ay noqon doonto mid karti iyo awood u leh inay dhaqaalaha dalka dib u soo noolayso, sidoo kalena ay ammaanka xoojiso.
"Waxan idiin sheegayaa inaan goosannahay inaan dhisno Soomaaliya cusub; taasna ay hadda billaabatay waana si xoojin doonnaa. Si diirran waa inaan ugu mahad-celiyo dhammaan urruradii iyo dalalkii Soomaaliya garab-taagnaa xilliyadii colaaduhu ay jireen, kuwaasoo ay ka mid yihiin: Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Mareykanka, Jaamacadda Carabta iyo Ururka ay dalalka Islaamku ku mideysan yihiin." ayuu madaxweynuhu ku yiri khudbaddiisa.
Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya, wuxuu sheegay in dhibaato muddo dheer ah kaddib la sameeyay jamhuuriyaddii saddexaad ee Soomaaliya, isagoo xusay inuu ballanqaadayo in dowladda uu hoggaaminayo ay noqoto mid howsheeda u billowda hab cusub oo billow ah.
"Ra'iisul wasaaraha aan dhawaan soo magacaabi doono wauxuu hoggaamin doonaa dowlad federaali ah oo karti leh taasoo leh hay'ado shaqeeya oo soo nooleeeya dhaqaalaha dalka iyo bulshada, keenana nabadgalyo iyo dib u hagaajin oo wax walba ku dhameysa wadahadal kuna shaqeysa cadaalad iyo sharci," ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.
Ugu dammbeyn, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ka dalbaday beesha caalamka in gargaarka ay Soomaaliya ugu talogaleen uu noqdo mid toos ah oo aan lasoo marin hay'ado kale, isagoo sheegay in Soomaaliya ay iyadu awooddo in dhaqalaaha loogu talogalay ay maamulato.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in Xukuumadda lasoo dhisayo ay ka shaqeyn doono dib u dhiska dalka iyo Ammaanka
More News
- Bam Gacmeed sababay dhaawacyada dad shacab ah oo ciidammo ka tirsan dowaldda lagula beegsaday Isgoyska KM-4 ee Muqdsiho
- Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland oo ku dhawaaqday Natiijaddii Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Somaliland
- Hay'adda Nabadsugidda Gobolka Banaadir oo soo bandhigay dad fara badan oo lagu soo Qabtay Howgallo laga Sameeyay Muqdisho
- Taliyaha Ciidamada Jabuuti ee ku sugan Baladweyne oo baaq u diray Dhalinyarrada ka tirsan Xarakada Al-shabaab
- Mas'uuliyiin ka tirsan Xisbul Islaam oo laga qabtay Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo iyadoo lasii daayay Wadahadallo Kaddib
- Maamulka Gobolka Hiiraan oo sheegay inuu wado Qorshe wax looga qabanayo Amniga Magaalada Baladweyne
- Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay Ban Ki-Moon oo Calaamka ugu Baaqay inay kordhiyaan Taageerada Soomaaliya
- Taliska Booliiska Gobolka Bay oo sheegay in Maxkamadda Ciidamadu ay xukunno kala duwan ku ridday xubno ka tirsanaa Al-shabaab
- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland: "Wadaadku wuxuu xaq u leeyahay inuu Talada dalkiisa ka qayb-gallo"