4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 24, 2012
Ciidammo kawada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ku dagaalamay Deegaanka Lafoole oo ee duleedka Magaalada Muqdisho
Isniin, September 24, 2012 (HOL) — Ugu yaraan laba askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku dhintay iskahorimaad ka dhacay deegaanka Lafoole ee gobolka Shabeellada hoose, kaasoo u dhexeeyay ciidammo dowladda kawada tirsan.

Goobjoogayaal ku sugan deegaankaas oo 20-km dhinaca galbeed Muqdisho kaga beegan ayaa sheeagy sheegay inay arkeen maydadka labada askari, dagaalkuna uu socday muddo saacad ku dhow.

"Dagaalku wuxuu ahaa mid culus, waxaana dhintay laba askari oo ka tirsanaa kuwii dagaalamayay," ayuu yiri goobjooge ku sugan Lafoole, isagoo sheegay in dagaalka ay joojiyeen saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo halkaas gaaray.

Saraakiisha dowladda weli kama hadlin sababta dagaalka dhalisay, balse dadka ku sugan deegaanka ayaa sheegay in ciidamada dowladdu ay isku khilaafeen isbaaro halkaas taallay oo gaadiidka looga qaadayay lacago.

Xaaladda ayaa hadda deggen, iyadoo ciidamadii dagaalamay goobta la qaaday, waxaana halkaas ku sugan ciidammo kale oo la socday saraakiishii ku guuleystay inay dagaalka joojiyaan.

Iskahorimaadkan ka dhashay isbaarada ay ciidamadu isku khilaafeen ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli darawallada gaadiidka ay aad uga cabanayaan isbaarooyin ay ciidamada dowladdu lacago baad ah uga qaadaan, kuwaasoo kusoo badanayay jidka u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya