![]() |
"Eedeymaha loo haysto idaacadda ee sababay in amar lagu bixiyo in la xiro waxaa ka mid ah: ka hadalka xil kororsiga madaxweynaha Puntland, doorashooyinka oo qaar ka mid ah deegaannada Puntland laga reebay iyo weliba ka hadalka howlaha shirkadda Saracen ay kawaddo Puntland," ayaa laga soo xigtay xubno ka tirsan idaacadda Horseed Media.
Idaacaddan oo inta badan ka hadasha waxyaabaha qarsoon ee Puntland ka dhaca ayay noqonaysaa markii labaad oo albaabbada uu isugu dhufto maamulka Faroole ee Puntland, iyagoo sannadkii 2010 la xiray kaddib markii lagu eedeeyay inay baahisay warar khatar ku ah Puntland.
Ma jiro cid laga xiray maamulka iyo howlwadeennada Idaacaddan oo ka mid ah kuwa sida aadka ah looga dhageysto Puntland, waxaana maamulka Puntland uu horay u soo saaray wara
Xukuumada Puntland ayaa dhowr jeer oo hore xirtay idaacado ka howlgala Puntland iyo wariyeyaasha deegaannadaas ka shaqeeya, kuwaasoo ay ku eedeysay inay ka soo horjeesteen amarro lagu siiyay inaysan baahin wararka ka dhaca Puntland qaar ka mid ah gaar ahaan kuwa taabanaya howlaha xukuumadda.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
