4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 6 , 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo soo magacaabay Ra'iisal Wasaarihii la sugayay


Sabti, Oktoobar 06, 2012(HOL): Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa goor dhaweyd soo magacaabay Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, kaasi oo muddo bil ku dhow soo magacaabiddiisa laga sugayay.

 

Madaxweynaha ayaa ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya u magacaabay Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, kaasi oo ah nin ganacsade ah oo degan dalka Kenya, isla markaana la soo shaqeeyay hay'adaha samafalka. Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo ka mid ahaa musharrixiintii isu soo taagay xilka Madaxweynenimada Soomaaliya, ayaa sidoo kalena waxa ay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ka wada tirsanaayeen isbaheysi ay ku bahoobeen xisbiyo isbedel-doon ah.

 

Ra'iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa maalmo kaddib la hor-geyn doonaa Baarlamaanka Soomaaliya si uu codka kalsoonida u siiyo, kaddibna waxaa looga fadhiyaa in uu soo dhiso xuuumad tayo leh oo afarta sano ee soo socota gudata waajibaadka horyaalla ee ah in ay dalka iyo dadka ka bixiso dhibaatada ay ku jiraan.

 


Munaasabad ka dhacday xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu magacaabay Ra'iisal Wasaaraha cusub, waxaana goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof Jawaari ayaa munaasabadda magacaabidda ka hadlay, waxayna ra'iisal wasaaraha cusub u rajeeyeen in uu alle u fududeeyo xilka loo magacaabay.



 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]