Sabti, Oktoobar 06, 2012 (HOL) — Askari ka tirsan ciidamada maamulka gobollka Hiiraan ayaa geeriyooday mid kalana dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii uu rasaas ku furay mid ka mid ah ciidamada dowladda Itoobiya ee ku sugan magaalada Baladweyne.
Illaa iyo hadda si dhab looga oga sababta rasmiga ah ee keentay in askariga ka tirsan ciidamada Itoobiya rasaasta ku furo ciidamada ka tirsan maamulka gobollka Hiiraan, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in uu kala shaki soo kala dhax-galay labada dhinac.
Ma jiro ilaa iyo waqtigan wax war ah oo ay mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan ka soo saareen dilka askariga ciidamada Itoobiya uu u geystay askariga kale ee ka tirsanaa ciidamada maamulka gobollka.
Subax kasta marka uu waabarayo waxaa howlgal lagu sugayo amniga ka sameeya bartamaha magaalada Baladweyne ciidamada Itoobiya iyo kuwa maamulka gobollka Hiiraan oo iskaashanaya, waxaana uu falkani noqonayaa kii ugu horeeyay oo si toos ah uga dhax dhaca labada dhinac.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya
Askari ka tirsan ciidamada Itoobiya oo Baladweyne ku toogtay Askari ka tirsanaa Ciidamada Maamulka Gobolka Hiiraan
More News
- Madaxweynaha Soomaaliya oo soo magacaabay Ra'iisal Wasaarihii la sugayay
- Kulan Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia iyo Odayaasha dhaqanka ku dhexmaray Xarunta Golaha Shacabka
- Qarax Ismiidaamin ah oo lagu Weeraray Koontarool ay Ciidamada Dowladda Somalia ku lahaayeen degmada Afgooye
- Maamulka Puntland oo albaabbada isugu dhuftay Idaacadda Horseed Media oo ka mid ah idaacadaha ka howglala Puntland
- Hay'adaha Ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo saaray Amarro lagu adkeynayo Ammaanka Muqdisho
- Jaaliyadda Hiiraan ee Magaalada Bermingham oo deeq gaarsiisay dadkii ku barakacay fatahaaddii ku dhuftay Baladweyne
- Kenya oo sheegtay inay la shaqeynayso Maamul kasta oo loo sameeyo Kismaayo iyo deegaannada kale ee Jubbooyinka
- Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu wado inuu maanta magacaabo Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo muddo laga sugayay
- Dadkii dagaallada awgood uga barakacay Magaalada Kismaayo oo billaabay inay dib ugu soo laabtaan guryahooda