Sabti, Oktoobar 06, 2012 (HOL) — Xildhibaanada baarlamanaka Soomaaliya iyo odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa maanta kulan ku yeeshay Muqdisho, kaasoo ay talooyin ku wadaageen, iyadoo kulankan uu noqonayo kii ugu horreeyay oo dhexmara xildhibaannada baarlamaanka iyo odayaasha dhaqanka ee soo xulay.
Kulanka oo ka dhacay xarunta golaha shacabka ee Muqdisho ayaa waxaa ka qayb-galay 200 oo xildhibaan iyo 135-ka oday dhaqameed oo soo xulay xildhibaannada, waxaana kulankaas oo fikrado kala duwan la isku dhaaf-saday shir guddoon ka ahaa guddoomiyaha baarlamaanka, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
Odayaasha dhaqaanka ayaa waxay xildhibaannada kula taliyeen inay howlahooda u gutaan si daacadnimo ay ku jirto, iyagoo sidoo kalena ugu baaqay inay xoojiyaan howlaha dib loogu dhisayo hay'adaha kala duwan ee dowladda si dalka uu u gaaro hannaan dowladeed oo dhameystiran.
"Xildhibaannada waxaan ugu baaqaynaa inay foojignaadaan wax walba oo ku keeni kara howlahooda habacsanaan, waana inaad noqotaan kuwo sharciga ku dhaqma oo aan ka leexan," ayay yiraahdeen odayaashii dhaqanka ee kulanka ka qaybgalay.
Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Jawaari oo isaguna kulanka ka hadlay ayaa sheegay in baarlamaanku uu qaadanayo dhammaan talooyinka ay u soo-jeediyeen odayaasha dhaqanka, isagoo hoosta ka xariiqay in baarlamaanku uu ku shaqeyn doono rabitaanka shacabka.
Kulankii oo saacado badan qaatay ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo dhexmarta xildhibaannada baarlamaanka iyo odayaasha dhaqanka ee soo xulay, waxaana uu imaanayaa iyadoo baarlamaanka ay dhawaanahan wadeen kulammo ay wadatashi ah oo ay la yeelanayaan waxgaradka si ay howlahooda u noqdaan kuwo cad oo aan mugdi ku jirin.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Kulan Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia iyo Odayaasha dhaqanka ku dhexmaray Xarunta Golaha Shacabka
More News
- Madaxweynaha Soomaaliya oo soo magacaabay Ra'iisal Wasaarihii la sugayay
- Qarax Ismiidaamin ah oo lagu Weeraray Koontarool ay Ciidamada Dowladda Somalia ku lahaayeen degmada Afgooye
- Askari ka tirsan ciidamada Itoobiya oo Baladweyne ku toogtay Askari ka tirsanaa Ciidamada Maamulka Gobolka Hiiraan
- Maamulka Puntland oo albaabbada isugu dhuftay Idaacadda Horseed Media oo ka mid ah idaacadaha ka howglala Puntland
- Hay'adaha Ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo saaray Amarro lagu adkeynayo Ammaanka Muqdisho
- Jaaliyadda Hiiraan ee Magaalada Bermingham oo deeq gaarsiisay dadkii ku barakacay fatahaaddii ku dhuftay Baladweyne
- Kenya oo sheegtay inay la shaqeynayso Maamul kasta oo loo sameeyo Kismaayo iyo deegaannada kale ee Jubbooyinka
- Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu wado inuu maanta magacaabo Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo muddo laga sugayay
- Dadkii dagaallada awgood uga barakacay Magaalada Kismaayo oo billaabay inay dib ugu soo laabtaan guryahooda