Sabti, Oktoobar 06, 2012 (HOL) — Ruux waxyaabaha qarxa ay ku xiran yihiin ayaa weerar ismiidaamin ah ku qaaday maanta koontarool ay ciidamada dowladdu ay ku leeyihiin isgoyska Baar Ismaaciil ee degmada Afgooye, iyadoo warar kala duwan ay kasoo baxayaan khasaaraha ka dhashay weerarkaas ismiidaaminta ah.
Goobjoogayaal ku sugnaa meel ku dhow koontaroolka uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay inay arkeen saddex askari oo dhulka ku dhacay markii uu qaraxu dhacay, balse ma aysan sheegin inuu dhintay iyo in kale.
Balse guddoomiye ku xigeenka dhinaca ammaanka ee maamulka degmada Afgooye, Mahdi Axmed ayaa sheegay in qaraxa aysan wax khasaare ah kasoo gaarin askartii goobta ku sugnaa oo uu sheegay inay ku jiraan kuwo loo waday deegaanno gobolka ka tirsan.
"Qaraxa waxaa fuliyay nin xirnaa dharka ciidamada oo gacanta ka go'an, wuxuuna ku qarxay meel aad ugu dhow bar ay ciidamada dowladdu lacago ku qaadaan," ayuu yiri goobjooge ku sugnaa meel ku dhow koontaroolka. "Qaraxa kadib waxaan arkay sadex askari oo dhulka taala, ma garanayo inay dhinteen iyo in kale; Laakiin waxaan sheegi karaa in ruuxii qaraxa fuliyay uu dhintay."
Sidoo kale, goobjoogayaashu waxay sheegeen in ruuxa qaraxa sameeyay uu shalay tagay halkaas, iyadoo markii uu qaraxu dhacayay ay ku suganayeen koontaroolka askar badan oo ku socday degmooyinka gobolka Shabeellada hoose oo ay qaarkood gacanta ku hayaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.
Weerarkan ismiidaaminta ah oo aanay jirin cid sheegatay mas'uuliyaddiisa ayaa wuxuu noqonayaa kii labaad oo degmada Afgooye ka dhaca tan iyo markii ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM la wareegeen bishii May ee sannadkan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Qarax Ismiidaamin ah oo lagu Weeraray Koontarool ay Ciidamada Dowladda Somalia ku lahaayeen degmada Afgooye
More News
- Madaxweynaha Soomaaliya oo soo magacaabay Ra'iisal Wasaarihii la sugayay
- Kulan Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia iyo Odayaasha dhaqanka ku dhexmaray Xarunta Golaha Shacabka
- Askari ka tirsan ciidamada Itoobiya oo Baladweyne ku toogtay Askari ka tirsanaa Ciidamada Maamulka Gobolka Hiiraan
- Maamulka Puntland oo albaabbada isugu dhuftay Idaacadda Horseed Media oo ka mid ah idaacadaha ka howglala Puntland
- Hay'adaha Ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo saaray Amarro lagu adkeynayo Ammaanka Muqdisho
- Jaaliyadda Hiiraan ee Magaalada Bermingham oo deeq gaarsiisay dadkii ku barakacay fatahaaddii ku dhuftay Baladweyne
- Kenya oo sheegtay inay la shaqeynayso Maamul kasta oo loo sameeyo Kismaayo iyo deegaannada kale ee Jubbooyinka
- Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu wado inuu maanta magacaabo Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo muddo laga sugayay
- Dadkii dagaallada awgood uga barakacay Magaalada Kismaayo oo billaabay inay dib ugu soo laabtaan guryahooda