Sabti, Oktoobar 06, 2012 (HOL) — Boqollaal qoys oo hore uga barakacday magaalada Kismaayo ayaa bilaabay in ay dib ugu soo noqdaan guryahooda, waxaana soo laabashada dadkani siweyn looga dareemaya magaalada.
Boqollaal qoys oo reer Kismaayo ah ayaa u barakacay deegaanada gosha ee dhanka galbeed kaga beegan Kismaayo kadib markii ay lasoo darastay cabsi ay ka qabeen in ay dagaallo ka dhacaan magaalada, waxaana dib usoo laabashada dadkani ay ka danbeysay kadib markii ciidamada dowladda, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya ay si buuxda ula wareegeen magaalada Kismaayo.
Cabdullaahi Cabdi Nuur oo kamid ah dadka deegaanka ayaa HOL u sheegay in qoysas badan ay kusoo qulqulayaan magaalada, kuwaasoo badankooda ka imaanaya deegaanada gosha ee dhanka waqooyi kaga beegan Kismaayo.
“Dadkan waxa ay ka kala imaanayaan deegaanada Buulogaduud, Kamsuuma, Jilib iyo deegaano badan oo gosha ku yaal oo ay markii hore u carareen,” ayuu hadalkiisii raaciyay.
Dhinaca kale; xaaladda magaalada Kismaayo ayaa ah mid dagan wallow ilaa imika uusan jirin wax maamul ah oo loo sameeyay degmada Kismaayo, waxaana ciidamada dowladda iyo kuwa Raaskaambooni ay gudaha magaalada ka wadaan baaritaanno, kuwaasoo ay ku qabqabteen dad badan oo lagu eedeynayo in ay xiriir la leeyihiin Al-shabaab.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya
Dadkii dagaallada awgood uga barakacay Magaalada Kismaayo oo billaabay inay dib ugu soo laabtaan guryahooda
More News
- Madaxweynaha Soomaaliya oo soo magacaabay Ra'iisal Wasaarihii la sugayay
- Kulan Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia iyo Odayaasha dhaqanka ku dhexmaray Xarunta Golaha Shacabka
- Qarax Ismiidaamin ah oo lagu Weeraray Koontarool ay Ciidamada Dowladda Somalia ku lahaayeen degmada Afgooye
- Askari ka tirsan ciidamada Itoobiya oo Baladweyne ku toogtay Askari ka tirsanaa Ciidamada Maamulka Gobolka Hiiraan
- Maamulka Puntland oo albaabbada isugu dhuftay Idaacadda Horseed Media oo ka mid ah idaacadaha ka howglala Puntland
- Hay'adaha Ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo saaray Amarro lagu adkeynayo Ammaanka Muqdisho
- Jaaliyadda Hiiraan ee Magaalada Bermingham oo deeq gaarsiisay dadkii ku barakacay fatahaaddii ku dhuftay Baladweyne
- Kenya oo sheegtay inay la shaqeynayso Maamul kasta oo loo sameeyo Kismaayo iyo deegaannada kale ee Jubbooyinka
- Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu wado inuu maanta magacaabo Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo muddo laga sugayay