3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 6 , 2012
Jaaliyadda Hiiraan ee Magaalada Bermingham oo deeq gaarsiisay dadkii ku barakacay fatahaaddii ku dhuftay Baladweyne


Sabti, Oktoober, 06, 2012 (HOL) – Iyadoo wali ay jirto gurmadka loo fidinayo dadkii ku barakacay Fatahaadii dhawaan ku dhuftay magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan, ayaa waxaa deeq soo gaarsiiyay dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay Fatahaada Jaaliyada Bermingham ee dalka Britian.

 

Xassan Cismaan Xuuriye oo lagu soo hagaajiyay deeqda ayaa sheegay in lacag dhan $ 3000 oo doolar ay soo gaarsiiyeen Jaaliyada Hiiraan ee Bermingham, halka sidoo kale lacag dhan $ 2000 oo doolar ay ugu deeqeen dadka dhibaatadu saameysay gabdhaha Jaaliyada Bermingham ee UK, taasoo ay ka faa’ideysteen sida uu sheegay boqolaal qoys.

 

‘’ Marka hore waxaa sameynay qiimeyn ku saleysan baahida dadku ay qabaan, waxaan ogaanay in dadku heleen noocyada raashinka sida bur, bariis, sokor iyo xitaan bacaha roobka laga galo, sidaa daraadeed waxaa noo soo baxday in aan lacag ugu badalo si markaa ay u daboosho baahiyaha kale oo ay dadku qabaan,’’ ayuu yiri,’’ Xassan Cismaan Xuuriye oo deeqdan gaarsiiyay dadka barakacayasha ah.

 

Gargaarka ayaa la gaarsiiyay dhamaan goobaha ay ku barakaceen qoysaska sida daafaha magaalada iyo qeybo ka mid ah gudaha magaalada Baladweyne,oo ay inta badan ku barakaceen dadkii ay saameynta ku yeelatay Fatahaada, kuwaasoo sheegay in ay siweyn ugu baahaayeen deeqda lacageed ee soo gaartay.

 

"Cid kasta oo aan is leenahay waa ay u baahan tahay deeqda waan gaarsiinay, walina waa ay taagan tahay baahida ay dadku qabaan, waayo intooda badan waxaa ka qaaday biyaha agab wixii ay isticmaalayeen meel cidla ah ayeey fadhiyaan," ayuu yiri,'' Xassan Cismaan Xuuriye.

 

Fatahaadii dhawaan ku dhuftay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa saameyn adag ku yeelatay nolasha kumanaan qoysas ah, kuwaasoo waqtiga ay heystaan dhibaatooyin kala duwan oo dhinaca nolasha, maadaama biyuhu ay ka baabi’iyeen guryihiin ay daganaayeen, islamarkaana ay ka qaadeen wixii agab ahaa oo ay isticmaalayeen.

 

Dadka Fatahaada ku dhintay ayaa la leeyahay waxaa ay kor u sii dhaafayaan 30 ruux oo intooda badan ah haween iyo caruur ay dul mareen xili habeen ah biyaha ka soo rogmaday wabiga.



 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya













Click here
10/6/2012 11:22 AM EST
Sabti, Oktoobar 06, 2012(HOL): Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa goor dhaweyd soo magacaabay Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, kaasi oo muddo bil ku dhow soo magacaabiddiisa laga sugayay.

10/6/2012 9:30 AM EST
Sabti, Oktoobar 06, 2012 (HOL) — Xildhibaanada baarlamanaka Soomaaliya iyo odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa maanta kulan ku yeeshay Muqdisho, kaasoo ay talooyin ku wadaageen, iyadoo kulankan uu noqonayo kii ugu horreeyay oo dhexmara xildhibaannada baarlamaanka iyo odayaasha dhaqanka ee soo xulay.

10/6/2012 9:17 AM EST
Sabti, Oktoobar 06, 2012 (HOL) — Ruux waxyaabaha qarxa ay ku xiran yihiin ayaa weerar ismiidaamin ah ku qaaday maanta koontarool ay ciidamada dowladdu ay ku leeyihiin isgoyska Baar Ismaaciil ee degmada Afgooye, iyadoo warar kala duwan ay kasoo baxayaan khasaaraha ka dhashay weerarkaas ismiidaaminta ah.

10/6/2012 8:44 AM EST
Sabti, Oktoobar 06, 2012 (HOL) — Askari ka tirsan ciidamada maamulka gobollka Hiiraan ayaa geeriyooday mid kalana dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii uu rasaas ku furay mid ka mid ah ciidamada dowladda Itoobiya ee ku sugan magaalada Baladweyne.

10/6/2012 8:34 AM EST
Sabti, Oktoobar 06, 2012 (HOL) — Maamulka Puntland ayaa maanta oo Sabti ah albaabbada isugu dhuftay idaacadda Horseed oo ka mid ah idaacadaha ka howgala deegaannada Puntland, kaddib markii lagu eedeeyay inay ka hadashay arrimo uu horay u mamnuucay maamulkaas in laga hadlo.

10/6/2012 7:51 AM EST
Sabti, Oktoobar 06, 2012 (HOL) — Saraakiisha hay'adaha ammaanka Soomaaliya oo ku yeeshay Muqdisho kulan ay go'aanno ammaanka lagu adkeynayo kasoo saareen ayaa sheegay inaan hub lagu dhex-qaadan karin magaalada Muqdisho, iyagoo sheegay in ciddii rasaas ku ridda magaalada dhexdeeda laga qaadi doono tallaabo sharci ah.

10/6/2012 4:58 AM EST
Sabti, Oktoobar 06, 2012 (HOL) — xukuumadda dalka Kenya ayaa sheegtay inay la shaqeynayso maamul walba oo loo sameeyo Jubbooyinka, gaar ahaan magaalada Kismaayo oo uu ka taagan yahay muran ku saabsan cidda maamul u sameynaysa.

10/6/2012 4:43 AM EST
Sabti, Oktoobar 06, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu maanta oo Sabti ah magacaabo ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, iyadoo xilliga uu u haysto inuu ra'iisul wasaare magacaabo ay dhowr cisho ka dhiman tahay.

10/6/2012 4:30 AM EST
Sabti, Oktoobar 06, 2012 (HOL) — Boqollaal qoys oo hore uga barakacday magaalada Kismaayo ayaa bilaabay in ay dib ugu soo noqdaan guryahooda, waxaana soo laabashada dadkani siweyn looga dareemaya magaalada.