Sabti, Oktoobar 06, 2012 (HOL) — xukuumadda dalka Kenya ayaa sheegtay inay la shaqeynayso maamul walba oo loo sameeyo Jubbooyinka, gaar ahaan magaalada Kismaayo oo uu ka taagan yahay muran ku saabsan cidda maamul u sameynaysa.
Afhayeenka milateriga Kenya, Col. Cyrus Oguna oo warfidiyeenka kula hadlayay magaalada Nairobi ee xarunta Kenya ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan maamul walba oo loo magacaabo Kismaayo iyo deegaannada kale ee Jubbooyinka.
"Waxaan diyaar u nahay inaan la shaqeyno maamul walba oo Kismaayo iyo meelaha kale ee Jubbooyinka loo sameeyo," ayuu yiri Col. Oguna oo hadalkiisa ku daray. "Doorkeena Kismaayo waa in dadka Soomaaliyeed ee ku nool ay si nabad ah hlakaas ku deggenaadaan."
Hadalka kasoo baxay Kenya ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo muran uu ka taagan yahay cidda maamul u sameynasay Kismaayo, waxaana jira shakiyo badan oo laga qabo in Kenya ay doonayso inay maamul u sameyso magaalada Kismaayo.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan ka sheegay Muqdisho in maamul loo sameyn doono magaalada Kismaayo, taasoo ay kasoo horjeesteen xoogagga Raas-kambooni ee ka barbar dagaalamaya ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya oo la wareegay Kismaayo toddobaadkii lasoo dhaafay.
Degmada Kismaayo oo ah xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa waxaa soo maray maamullo kala duwan labaatameeyadii sano ee ay dagaalladu ka socdeen Somalia, waxaana maamulkii Al-shabaab uu noqonayaa kii ugu dambeeyay uguna muddada dheeraa ee xukuma magaaladaas.
Kismaayo ayaa waxay leedahay deked, halkaasoo ah il dhaqaale oo ay maamullada ku hardamaya inta badan isha ku hayaan, waxaana dekeddaas laga dhoofiyaa xoolo nool iyo dhuxusha oo ah midda ugu badan ee lacagta laga helo.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Kenya oo sheegtay inay la shaqeynayso Maamul kasta oo loo sameeyo Kismaayo iyo deegaannada kale ee Jubbooyinka
More News
- Madaxweynaha Soomaaliya oo soo magacaabay Ra'iisal Wasaarihii la sugayay
- Kulan Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia iyo Odayaasha dhaqanka ku dhexmaray Xarunta Golaha Shacabka
- Qarax Ismiidaamin ah oo lagu Weeraray Koontarool ay Ciidamada Dowladda Somalia ku lahaayeen degmada Afgooye
- Askari ka tirsan ciidamada Itoobiya oo Baladweyne ku toogtay Askari ka tirsanaa Ciidamada Maamulka Gobolka Hiiraan
- Maamulka Puntland oo albaabbada isugu dhuftay Idaacadda Horseed Media oo ka mid ah idaacadaha ka howglala Puntland
- Hay'adaha Ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo saaray Amarro lagu adkeynayo Ammaanka Muqdisho
- Jaaliyadda Hiiraan ee Magaalada Bermingham oo deeq gaarsiisay dadkii ku barakacay fatahaaddii ku dhuftay Baladweyne
- Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu wado inuu maanta magacaabo Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo muddo laga sugayay
- Dadkii dagaallada awgood uga barakacay Magaalada Kismaayo oo billaabay inay dib ugu soo laabtaan guryahooda