Sabti, Oktoobar 06, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu maanta oo Sabti ah magacaabo ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, iyadoo xilliga uu u haysto inuu ra'iisul wasaare magacaabo ay dhowr cisho ka dhiman tahay.
Qabanqaabada xafladda lagu magacaabayo ra'iisul wasaaraha ayaa ka socota Villa Somalia sida ay HOL u sheegeen xubno ka tisran madaxtooyada, balse lama oga xilliga dhabta ah ee lagu dhawaaqayo ra'iisul wasaaraha.
Warar hoose ayaa sheegaya in laga yaabo in xilkan loo magacaabo C/qaadir Faarax Shir-doon (Saacid) kaasoo ka mid ahaa xubno uu madaxweynuhu kulammo gaar ah la yeeshay dhowr jeer oo isku xigta.
"Maanta ayaa lagu dhawaaqayaa ra'iisul wasaaraha, waxaana socda qabanqaabadii lagu magacaabi lahaa," ayuu yiri sarkaal ka tirsan madaxtooyada oo HOL la hadlay, isagoo intaas ka gaabsaday inuu sheego xilliga rasmi ahaan la magacaabayo ra'iisul wasaaraha.
Ra'iisul wasaaraha lasoo magacaabayo ayaa waxaa la horgeynayaan baarlamaanka si ay kalsooni u siiyaan isagoo markaas kaddib soo dhisi doona xukuumadda howlo badan ay horyaallaan, kuwaasoo ay ugu culus yihiin sugidda ammaanka iyo dib u dhiska dalka oo burbur kusoo jiray laabatameeyo sano.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa tan iyo markii loo doortay xilkan 10-kii bishii hore ee September ayaa wuxuu dadaal ugu jirtay sidii uu kusoo magacabo lahaa ra'iisul wasaaraha, waxaana xilkan isku soo taagay in ka badan labaatan xubnood oo rajo ay kaga jirtay inay xilkan qabtaan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu wado inuu maanta magacaabo Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo muddo laga sugayay
More News
- Madaxweynaha Soomaaliya oo soo magacaabay Ra'iisal Wasaarihii la sugayay
- Kulan Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia iyo Odayaasha dhaqanka ku dhexmaray Xarunta Golaha Shacabka
- Qarax Ismiidaamin ah oo lagu Weeraray Koontarool ay Ciidamada Dowladda Somalia ku lahaayeen degmada Afgooye
- Askari ka tirsan ciidamada Itoobiya oo Baladweyne ku toogtay Askari ka tirsanaa Ciidamada Maamulka Gobolka Hiiraan
- Maamulka Puntland oo albaabbada isugu dhuftay Idaacadda Horseed Media oo ka mid ah idaacadaha ka howglala Puntland
- Hay'adaha Ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo saaray Amarro lagu adkeynayo Ammaanka Muqdisho
- Jaaliyadda Hiiraan ee Magaalada Bermingham oo deeq gaarsiisay dadkii ku barakacay fatahaaddii ku dhuftay Baladweyne
- Kenya oo sheegtay inay la shaqeynayso Maamul kasta oo loo sameeyo Kismaayo iyo deegaannada kale ee Jubbooyinka
- Dadkii dagaallada awgood uga barakacay Magaalada Kismaayo oo billaabay inay dib ugu soo laabtaan guryahooda