3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 22, 2012
Hoos u Dhac ku Yimid Weerarradii ay Fulin Jireen Kooxaha Burcad Badeedda

Isniin, Oktoobar 22, 2012 (HOL) -Hay’adda badmaaxayaasha Aduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo IMB ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in uu hoos udhac baahsan ku yimid weerarradii ay fulin jireen kooxaha burcad badeedda Soomaalida.

Hay’adda ayaa ugu baaqday Maraakiibta isticmaala Gacanka Cadan iyo Badda Cas in aysan is dhigan islamarkaasina ay aad uga foojignaadaan weerarro kaga yimaadan kooxaha burcad badeedda.

Kooxaha burcad badeedda ayaa la sheegay in sanadkan ay afduubteen 24 Markab iyo 448 Badmaaxi sidoo kale ay dileen ilaa lix qof oo ka shaqeyn jirtay Maraakiibtaasi.

Burcad badeedda ayaa sidoo kale la sheegay in ay weerareen ilaa 125 Markab oo 58 kamid ah ay ku guuldareysteen in ay afduubaan.

Hoos u dhaca ku yimid weerarrada ay fulin jireen kooxaha burcad badeedda ayaa la sheegay in ay ka danbeeysay kadib markii ay bateen weerarrada ka dhanka ah kooxdaasi ee ay fuliyaan Maraakiibta la dagaalanka burcad badeedda.

Hoos u dhaca ku yimid weerarrada burcad badeedda ayaa kusoo beegmaya xilli ay weli jiraan Maraakiib iyo rakaab u afduuban kooxaha burcad badeedda kuwaasoo ay ku doonayaan lacago madaxfurasho ah.

Xasan Nuur
Hiiraan Online
Kismayo, Somalia
[email protected]













Click here
10/22/2012 4:22 PM EST
Isniin, October 22, 2012(HOL): Xerada 54-aad oo ah saldhigga ugu weyn ee ciidamada daraawiishta Puntland, kuna taal duleedka magaalada Garoowe, ayaa waxaa maanta tababar loogu soo xiray ciidamo dhowrkii bilood ee ugu danbeeyey uu halkaas tababar uga socdey.

10/22/2012 4:17 PM EST
Isniin, October 22, 2012(HOL): Xarunta wasaaradda xanaanada xoolaha Puntland ee Garoowe waxaa maanta ka dhacday munaasabad balaaran oo lagu sagootinayey dhakhaatiir loo kala diray gobolada, si ay xoolaha uga soo talaalaan cudurka sanbabka.

10/22/2012 10:47 AM EST
Isniin, Oktoobar 22, 2012 (HOL) - Wafdi kasocda hay’adda Qaramada Midoobay ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo iyadoona wafdiga uu socdaal kusoo maray qeybo katirsan magaalada Kismaayo.

10/22/2012 10:31 AM EST
Isniin, October, 22, 2012 (HOL)-Wasiirka Dib u dejinta Somaliland, Mr. Seleebaan Ciise (Xaglo toosiye), ayaa maanta si rasmi ah xilkii kala wareegay wasiirkii hore ee wasaaradaasi Mr;C/risaaq Cali Cismaan.

10/22/2012 10:30 AM EST
Isniin, Oktoobar, 22, 2012 (HOL) – Shirkada Xawaallada Ammaana oo maalmihii ugu danbeeyay ku howlaneyd sidii loo caawin lahaa dadka ku dhibaateysan xeryaha barkacayaasha magaalada Baladweyne ayaa maanta deeq lacageed gaarsiisay qoysas isugu jiray kuwii ku barakacay fatahaadii dhawaan ku dhuftay magaalada iyo qaar kale oo ay la soo darseen xaalado dhinaca nolasha ah.

10/22/2012 7:31 AM EST
Isniin, Oktoobar 22, 2012 (HOL) - Dhibaatooyin dhinaca nolosha ah ayaa laga soo sheegayaa degmada Luuq ee gobolka Gedo halkaasoo ay ku noolyihiin kumannaan qoys oo kasoo barakacay Abaaraha iyo dagaallada ka jira gobollada Gedo, Bay, Bakool iyo Jubada dhexe.

10/22/2012 3:34 AM EST
Isniin, Oktoobar 22, 2012 (HOL) — Hay’adaha nabad-sugidda Qaranka ayaa sheegtay in ammaanka magaalada Muqdisho la xaqiijiyay, iyadoo ay weli ka dhacayaan dilal iyo qaraxyo ay geysanayaan xoogag taabacsan Xarakada Al-shabaab oo sannadkii hore isaga baxay magaalada Muqdisho.

10/22/2012 3:24 AM EST
Isniin, Oktoobar 22, 2012 (HOL) — Ugu yaraan shan qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay hoobiyeyaal xalay lagu garaacay degamada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose, sidoo kale qaraxyo aan la ogeyn khasaaraha ay geysteen ayaa isla xalay ka dhacay saldhig ay ciidamada dowladdu ku leeyihiin magaalada Kismaayo.

10/22/2012 3:22 AM EST
Isniin, Oktoobar 22, 2012 (HOL) — Xaaladda wariye Maxamed Maxamuud Tuuryare oo ka mid ah wariyeyaasha idaacadda Shabeelle ee Muqdisho ayaa xaaladdiisu soo hagaagaysaa, kaddib markii kooxo hubeysan ay xalay fiidkii si xun ugu dhaawaceen degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.