4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 22, 2012
SALEEBAAN XAGLO-TOOSIYE:“shalay hogaamiyahoogii SSC baan ahaa maantana wali hogaamiyahoogii baan ahay tabashooyin badani way jiraan”

Isniin, October, 22, 2012 (HOL)-Wasiirka Dib u dejinta Somaliland, Mr. Seleebaan Ciise (Xaglo toosiye), ayaa maanta si rasmi ah xilkii kala wareegay wasiirkii hore ee wasaaradaasi Mr;C/risaaq Cali Cismaan.

 

Xaflad balaadhan oo labadda wasiir xilka kula kala wareegayeen, ayaa lagu qabtay hoolka hay’addda shaqaalaha ee magaaladda Hargeysa,waxaana ka soo qaybgalay wasiirka Gaashaandhiga, Ganacsiga, boosaha iyo isgaadhsiinta,Kalluumaysiga, hawlaha guud iyo guriyeynta, Duulista iyo hawadda, wasiir ku xigeenka amniga ee arrimaha gudaha, gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Taliyaha ciidanka asluubta Somaliland, xildhibaano labadda gole ka kala tirsan, salaadiin iyo marti sharaf kale oo badan.

 

Wasiirkii hore ee dib u dajinta C/risaaq Cali Cismaan, ayaa sheegay in mudadii uu joogay wax badan ka qabtay wasaaradiisa, isla markaana uu hirgaliyey mashaariic badan oo lagu hagaajinayey bilicda caasimadda, isagoo xusay in saddex goobood oo muhiim ah uu qoysas danyar ah ka raray una bedelay dhul dan guud ah oo ay iskood u yeelan doonaan, maadama halkii ay deganaayeen markii horeba ahayd  dhul dawladeed, waxa kale oo uu sheegay in 75 guri oo dad danyar ah guryo ay galaan uga dhiseen magaaladda Burco.

 

Wasiirka Cusub ee wasarada Saleebaan Ciise Axmed Xaglo Toosiye ayaa sheegay inuu ahaa hogaamiyihii jabhadda SSC, balse uu imika yahay wasiir Qaran oo ummadda oo dhan wasiir u ah, waxaanu u mahadnaqay wasiirkii hore hawlihii uu qabtay.

 

“anigu waxaan ahaa hogaamiyihii ururka SSC walina waan ahay wasiir reer Somaliland ah baan noqday bulshada reer Somaliland oo dhan baan wasiir baan u ahay, horumarkooda, nabadooda iyo midnimadoodana waan ka shaqaynayaa”ayuu yidhi wasiirka cusub Xaglo Toosiye oo xaflada xil wareejintiisa ka hadlayey, waxaanu intaas ku daray “ waxaanse u sheegayaa deegaamadii aan ka imid iyo ehelkaygii inaan u maqnahay inaan dadaal wayn hadii alle ka dhigo u gali doono sidii loo xoojin laahaa nabada sidii horumarka looga shaqayn lahaa sidii is bedel looga dhalin lahaa deegaamada, haddii alle ka dhigo shalay hogaamiyohoogii baan ahaa maantana wali hogaamiyohoogii baan ahay tabashooyin badani way jiraan waanay soo gudbisteen dawladuna way balan qaaday in la hirgalinayo waanan ka shaqaynayaa”. Wasiirku Waxa uu balanqaaday inuu ku dadaali doono sidii nabadgalyadda loo balaadhin lahaa, waxaanu sheegay in deegaankii uu ka yimid wixii tabasho ah ee ka jirta la dhamayn doono.

 

Munaasibad balaadhan ayaa lagu soo dhoweeyey wasiirka cusub, waxaanu shaqaalaha ka codsaday in si fiican ula shaqeeyaan, waxa iyaguna hadalo kaftan u badan madasha ka soo jeediyey wasiiradda kale iyo gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe.

 

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland