4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 22, 2012
Hay'adda Nabad-sugidda Qaranka oo sheegtay in Amaanka Muqdisho la xaqiijiyay Xilli ay ka dhacayaan Qaraxyo iyo dilal
Isniin, Oktoobar 22, 2012 (HOL) — Hay’adaha nabad-sugidda Qaranka ayaa sheegtay in ammaanka magaalada Muqdisho la xaqiijiyay, iyadoo ay weli ka dhacayaan dilal iyo qaraxyo ay geysanayaan xoogag taabacsan Xarakada Al-shabaab oo sannadkii hore isaga baxay magaalada Muqdisho.

Taliyaha ciidamada nabadsugidda ee gobolka Banaadir, Col. Khaliif Axmed Ereg ayaa sheegay in ammaanka Muqdisho la xaqiijiyay kaddib markii ay wada-shaqeyn joogto ah dhexmartay hay'ada nabad-sugidda Qaranka iyo shacabka ku nool Muqdisho.

"Ciidamada nabadsugiddu waxay kordhiyeen howgallada lagula dagaallamayo kooxaha taageersan Al-shabaab oo kasoo horjeeda deggenaasho ka hirgasha Muqdisho, mar walbana ciidamadu ay la socdaan dhaqaqaaqooda," ayuu yiri Col. Ereg. Isagoo xusay inay wadatashiyo la sameeyeen shacabka ku nool degmooyinka gobolka Banaadir.

"Waxaa socda qorshayaal lagu tirakoobayo dadka ku nool caasimadda Muqdisho, taasoo qayb ka qaadanaysa sidii lagu sugi lahaa ammaanka caasimadda. Waxaa sidoo kale billowday in dadka guryaha ijaaranaya ay iska diiwaangeliyaan saldhigyada ku yaalla degmooyinkooda si loola socdo," ayuu ku daaray hadalkiisa taliyaha hay'adda nabadsugidda ee gobolka Banaadir.

Hadalka hay'adda nabadsugidda ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo habeennadii ugu dambeeyay ay ka dhacayeen caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho dilal ay xaafado ka tirsan caasimadda ka geysanayaan kooxo xiriir la leh Al-shabaab.

Maalin ka hor ayay ahayd markii afhayeenka ciidamada AMISOM uu isaguna xusay in xaaladda ammaan ee Muqdisho ay tahay mid wanaagsan howgallada lagu sugayo ammaanka oo ay iska kaashanayaan AMISOM iyo dowladda Soomaaliyana ay sii soconayaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya