4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 22, 2012
Madaafiic lagu garaacay Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose iyo Qaraxyo ka dhacay Magaalada Kismaayo
Isniin, Oktoobar 22, 2012 (HOL) — Ugu yaraan shan qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay hoobiyeyaal xalay lagu garaacay degamada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose, sidoo kale qaraxyo aan la ogeyn khasaaraha ay geysteen ayaa isla xalay ka dhacay saldhig ay ciidamada dowladdu ku leeyihiin magaalada Kismaayo.

Goobjoogayaal ku sugan degamda Afmadow ayaa sheegay in madaafiicdii xalay ay ku dhaceen guryo ay ku sugnaayeen dad shacab ah, kuwaasoo keenay inay kasoo gaaraan dhaawacyo shan qof, iyadoo duqeyntan ay noqonayso tii ugu horreysay oo nooceeda oo ah ka dhacda tan iyo markii ay ciidamada Kenya iyo kuwa dowladdu qabsaden.

"Xalay saqdii dhexe waxaan mar qura kusoo kacnay madaafiic ku hoobanaysa degmada, waxay ahaayeen ku dhawaad 10 madfac oo hoobiyeyaal ah, ma jirin wax jawaab ah oo laga bixiyay, waxaana ku dhaawacmay shan qof oo ka mid ah dadka deegaanka," ayuu yiri goobjooge ku sugan degmada Afmadow.

Saraakiisha dowladda ee ku sugan degmadaas ayaa waxay duqeyntan ku eedeeyeen Al-shabaab, balse ma jiro hadal kasoo baxay dhinaca Xarakada oo ku saabsan inay madaafiicdaas mas'uul ka ahaayeen iyo inaysan ka ahayn.

Dhanka kale, saldhig ay ciidamada dowladdu ku sugnaayeen oo ku yaalla degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa waxaa xalay ka dhacay laba qarax oo waaweyn; kuwaasoo aan la ogeyn khasaaraha kasoo gaartay ciidamadii saldhigga ku sugnaa.

Weerarradan ayaan la ogeyn cid ka dambeysa, waxaase saraakiisha dowladdu ay sheegeen inay ahaayeen kuwo ay soo abaabushay Al-shabaab, waxaana saakay  ka socda degmada Kismaayo baaritaanno ay ciidamada dowladdu sameynayaan.

Gobolka Jubbada hoose ayaa waxaa gacan ku hayntiisa ku loolamaya ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa Kenya ee AMISOM ka tirsan iyo xoogagga Al-shabaab oo muddo shan sano ah ka talinayay gobolkaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya