4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 22, 2012
Shirkada Xawaallada Ammaana oo deeq ay wakiil ka tahay gaarsiisay dad ku dhibaateysan magaalada Baladweyne


Isniin, Oktoobar, 22, 2012 (HOL) – Shirkada Xawaallada Ammaana oo maalmihii ugu danbeeyay ku howlaneyd sidii loo caawin lahaa dadka ku dhibaateysan xeryaha barkacayaasha magaalada Baladweyne ayaa maanta deeq lacageed gaarsiisay qoysas isugu jiray kuwii ku barakacay fatahaadii dhawaan ku dhuftay magaalada iyo  qaar kale oo ay la soo darseen xaalado dhinaca nolasha ah.

 

Xassan Ibraahim Xalane mas’uulka shirkada xawaalada Ammaana ee magaalada Baladweyne oo deeqdan gaarsiiyay qoysaska dhibateysan ayaa sheegay in lacag dhan ilaa $1700 doolar oo ay soo direen dhalinyarrada Jaaliyada Hiiraan ee magaalada Washinton ay gaarsiiyeen ilaa 70 qoys.

 

‘’Waxaan deeqda gaarsiinay xerada Ceel-jaale oo ah halka ay ku barakaceen dadkii ugu badnaa ee ka cararay fatahaadii dhawaan ku dhuftay magaalada, iyo xerada Doomey oo ka dhisan xaafadda Buundo-weyn halkaasoo ay ku nool yihiin qoysas nolashoodu ay hooseeyso ayuu yiri,’’ Xassan Ibraahim mas’uulka shirkada Xawaalada Ammaana.

 


Xassan Ibraahim waxaa uu sheegay gaar ahaan in uu lacagtan uu soo gaarsiiyay shirkada guddoomiyahay dhalinyarrada jaaliyada Hiiraan ee Washinton Tahliil C/lle Ciyow oo sheegay in ay ka damqadeen dhibaatada la soo darstay kumanaanka qoys ee dhawaan fatahaadu ku dhuftay.

 

Mas’uulka shirkada Xawaalada Ammana waxaa uu HOL u sheegay in shirkadu mar walba u taagan tahay sidii loo gargaari lahaa dadka dhibaateysan, gaar ahaan marka ay xaaladahan oo kale ay jiraan.

 

Dadkii ka faa’ideystay deeqda ayaa sheegay in ay ka mahad celinayaan, waxaana ay codsadeen in gargaar lala soo gaaro, madaama wali dhibaatadu taagan tahay.

 

Saacadihii ugu danbeeyay waxaa magaalada Baladweyne ka da’ayay roobab lixaad leh oo saacado badan qaatay, kuwaasoo sii xumeynaya xaalada ay ku nool yihiin kumanaan qoys oo hadda daadsan daafaha magaalada Baladweyne.




 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]

Baladweyn, Soomaaliya.