4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 22, 2012
Xaalad Nolol Xumo oo laga Soo sheegayo Degmada Luuq ee Gobolka Gedo

Isniin, Oktoobar 22, 2012 (HOL) - Dhibaatooyin dhinaca nolosha ah ayaa laga soo sheegayaa degmada Luuq ee gobolka Gedo halkaasoo ay ku noolyihiin kumannaan qoys oo kasoo barakacay Abaaraha iyo dagaallada ka jira gobollada Gedo, Bay, Bakool iyo Jubada dhexe.

Ali Mohamed oo ah horjoogaha mid kamid ah xerooyinka ay ku noolyihiin dadka barakacayaasha ah ee degmada Luuq oo Wareysi siiyay Wakaaladda Wararka ee IRIN ayaa sheegay in degmada Luuq ay ku noolyihiin ku dhowaad ilaa 3,000 oo qoys kuwaasoo ku jira xaalado aad u adag oo dhanka nolosha ah, wuxuuna ugu baaqay hay’adaha samafalka in si deg deg ah ay u gargaaraan dadkaasi.

“Bulshada ugu badan ee ku nool xerooyinkani waa haween, carruur iyo dad da’ ah kuwaasoo kasoo barakacay dagaalladii u danbeeyay iyo abaarihii ku dhuftay gobollada Bay, Bakool iyo jubada dhexe, mana jiraan wax gargaar biniaadanimo oo ay dadkani heleen bilihii lasoo dhaafay, xaaladda kaamamkana way sii xumaaneysaa, dadkuna ma heystaa meel ay ka galaan roobabka, cunto iyo caafimaad midna,” sidaa waxa yiri Ali Mohamed oo u waramay wakaaladda IRIN.

Degmada Luuq ee gobolka Gedo oo ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlusunna ayaa waxa mudooyinkii u danbeeyay kusoo qulqulayay boqollaal qoys oo kasoo barakacay goobaha ay dagaallada ka jiraan ee gobolka Gedo iyo weliba gobollada kale ee xuduudda la leh, sida Jubooyinka, Bay iy Bakool.

Gobolka Gedo oo kamid ah gobollada ay saameeyeen abaarihii ku dhuftay dalka Soomaaliya ayaa waxa ka aloosan colaado u dhexeeya ciidamada dowladda, kuwa Ahlusunna iyo Militariga Kenya oo isgarabsanaya iyo xoogagga Al-shabaab, waxayna dagaalladaasi uga sii dareen xaaladihii biniaadanimo ee ka jiray gobolkaasi.

Xasan Nuur
Hiiraan Online
Kismayo, Somalia
[email protected]