4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 16, 2012
Dacwadda Nin Soomaali ah oo loo haysto inuu dilay wiil uu adeer u ahaa oo ka socota Magaalada Buffalo ee Gobolka New York
Talaado, Oktoobar 16, 2012 (HOL) — Dacwadan oo noqonaysa tii ugu horreysay oo qof Soomaali ah lagu eedeeyo ayaa ka socota maxkamad ku taalla magaalada Buffalo ee dalka Mareykanka, iyadoo maxkamadda ay ka hor hadashay hooyadii dhashay wiilka la dilay oo 10-jir ahaa.


Cabdifataax Maxamuud oo ah wiilka la dilay ayaa waxaa la sheegay in la garaacay in ka badan 70-jeer 16-kii bishii Abriil ee sannadkan, xilli uu doonayay inuu safar ku tago magaalada Kampala ee xarunta dalka Mareykanka oo uu aabbihii ku nool yahay.

"Wuxuu igu yiri nabadgalyo Maama," ayay tiri Shukri Bile oo ah hooyada dhashay wiilka la dilay oo ilmaynaysay iyadoo ka hadlayay xiligii isugu dambeysay iyada iyo wiilkeeda, markaasoo ahayd xilli galab ah oo ay u socotay shaqo nadafaadeed ay ka haysay xafiis ku yaalla bartamaha magaalada Buffalo oo xuduud la leh dalka Canada.

Marqribnimadii la dilayay wiilka ayaa waxaa la sheegay in Cali Maxamed Maxamuud oo ahaa adeerka qabay wiilka hooyadii ayaa la sheegay inuu watay midi uu kala soo baxay jikada, iyadoo la sheegay in wiilka yar la garaacay in ka badan 70-jeer.

Cali Maxamuud ayaa la sheegay inuu u sheegay Shurki Bile markii ay kasoo laabatay shaqada xilli dambe oo habeenkii ah inuu baxayo, iyadoo booliisku ay markiibta daba-gal ku sameeyeen maqnaashaha Cabdifataax, iyadoo la arkay markaas kaddib dhiig badan oo dabaqa kasoo daadanaya, waxaana jidkiisa ku yaalla dhaawacyo.

Adeerka lagu eedeeyay dilka wiilka ayaa ah 40-jir ku noolaa dalka Mareykanka 10-sanadood, waxaana warbixinta ku saabsan dilka uu u geystay wiilka uu adeerka u ahaa dhowr jeer daabacay wargeysyada kasoo baxa magaalada Buffalo.

Abuukaataha Cali Maxamuud oo ah ninka dilka geystay oo lagu magacaabo, Lana Tupchik ayaa sheegay in Cali Maxamuud uu diiday dacwadda loo haysto ee ah inuu dilay wiilka uu adeerka u ahaa.

Inta badan eedeysanuhu wuxuu eegayay xaaskiisa intii ay dooddu socotay, iyadoo mar la weydiistay inay soo aragto ninkeeda ay tiri ma doonayo inaan arko wajigiisa, xilligaas oo uu ku jiray qol yar oo maxkamadda ku dhex-yaalla.

Wiilka la dilay ayaa ku dhashay Isbitaal ku yaalla dalka Uganda lix maalmood kaddib markii ay dhaceen qaraxyadii 9/11 ee lala beegsaday daarihii ganacsiga Adduunka. Iyadoo Shukri Bile iyo wiilkeeda oo afar jir ah ay bishii Feberaayo ee sannadkii 2002 galeen dalka Mareykanka oo ay illaa xilligaas ku nool yihiin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya