4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 3 , 2012
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Ammaanka Qaranka Dowladda Soomaaliya oo xariga ka jaray Barnaamijyo lagu xasilinayo Muqdisho

Khamiis, May 03, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka DKMG ah ee Soomaaliya, C/samad Macallin Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah xariga uga jaray barnaamijka xasilinta Muqdisho oo ay iska kaashanayaan hay’adda Mareykanka u qaabilsan horumarinta caalamiga (USAID) iyo hay’adda Ingiriiska (UK) u qaabilsan horumarinta dibadda (DFID), iyadoo barnaamijkan lagu taageerayo $9.5 malyuun oo ah deeq ka timid dowladaha Mareykanka iyo UK.

Saraakiisha dowladda KMG ah oo isugu jiray kuwa heer qaran, gobol iyo madaxda degmooyinka ayaa la shaqeynayay gudiyada nabadda ee 16-ka degmo ee Muqdisho si ay u soo diyaariyaan mashaariic bulshada loo hirgelinayo.

Mashaariicdaas oo ay taageerayaan USAID iyo DFID, Soomaaliduna ay u bixiyeen "Dan-Guud", waxaa loogu talo galay inay sare u qaadaan xasilinta xarunta dalka Soomaaliya ee Muqdisho iyo dib-u-heshiisinta.

Barnaamijyadan waxay qayb ka yihiin iskaashiga u dhexeeya USAID, DFID iyo TFG-da ee hawlaha xasilinta, si loo dhiirri-geliyo dhisidda aragti-mideysan oo heer degmo ah oo loo marayo horumarinta heer degmo kuwaasoo abuuri kara saameyn deg-deg ah.

Hawlaha la qabanayo waxaa soo doortay iyadoo heshiis lagu yahay guddiyada nabada degmooyinka gobolka Banaadir iyo xubnihii ka socday bulshada waxayna isugu jiri karaan bannaynta wadooyinka xirmay, iftiiminta waddooyinka, dhisid iyo dayactir ama munaasabadaha bulshada.

"Waxaan u aragnaa barnaamijka Dan-Guud inuu yahay mashruucii ugu weynaa ee laga hirgeliyo Muqdisho muddooyinkii dhawaa… Dowladda Soomaaliya yididdiilo ayay u tahay dadaalka USAID iyo DFID wayna ka mahad-naqaysaa deeqdaas. Waxaan filaynaa inaan aragno mustaqbalka dhow barnaamijyo caynkan oo kale ah oo laga fuliyo dibadda Muqdisho," ayuu yiri wasiir arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdisamad Macallin.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo isaguna ka hadlay ayaa yiri: "Anigoo ku hadlaya magaca dadka Muqdisho, waxaan jeclaan lahaa inaan si kal iyo laab ah ugu mahadceliyo USAID iyo DFID mashaariicda kala duwan ee degmooyinka Muqdisho ay ku maal-gelinayso. Waxaan hubaa in Dan-Guud ay ka caawin doonto sidii magaaladu ay uga kici lahayd dambaska."

USAID iyadoo garabsanaysa dadka Soomaaliyeed waxay inka badan $300 oo malyuun oo gargaar ah ku bixisay tan iyo sanadkii 2011-dii si loo caawiyo baahida dhinacyada gargaarka, nabadda iyo soo-kabsashada.
Barnaamijka DFID ee gargaarka Soomaaliya wuxuu qorsheynayaa inuu ku qarash-gareeyo cel-celis ahaan sanadkiiba £69 Malyuun oo lacagta Ingiriiska ah tan iyo sanadka 2015-ka, taasoo dhiirri-gelinaysa xasiloonida mudada fog isla markaana si toos ah u horumarinaysa nolosha dadka saboolka ah ee Soomaaliyeed.

Labada dal ee Mareykanka iyo Ingiriisku waxay aaminsan yihiin in guulo waaewyn laga gaari xaslinta dalka Soomaaliya, si dadka Soomaaliyeed iyo ay u helaan xilliga dhow xasiloonida iyo nabad.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya