3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 3 , 2012
Gabadha kaliya ee noqotay tababare Kubadda Kolayga oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Stockholm ee dalka Sweden (SAWIRRO)


Khamiis, May 03, 2012(HOL): Xaflad si aad u heer sarraysa loo soo agaasimay laguna soo dhawaynayey Cayaaryahanaddii weyneyd  ee kooxda Muqdisho, iyo Xulka Qranka K/Kolayga soomaaliyeed Luul Cusmaan Sabriye ayaa lagu qabtay Magaalada Stockholm ee caasimadda dalka Sweden.

Xafladdan oo ay soo agaasimeen bahwaynta sportiga ee deggan  magaalada Stockholm  isla markaana ay ka soo qaybgaleen dad aad  looga qadariyo bahdan sportiga,  ayaa waxaa ugu horreyntii si farxad iyo walaaltinimo leh loogu soo dhaweeyey Luul Cusmaan Sabreye  magaalada Stockholm.

Ugu horreyn waxaa munaasabadda  aayado Quraanka Kariimka ah iyo Wacdi ku billaabay Axmed Sabreye Gaabow . Maxamed Mukhtaar Shiikh ayaa isna halkaas ka akhriyay Taariikhdeeda Luul Cusmaan Sabreye oo kooban. “Isboort Soomaaliyeed waxa uu soo maray taarikh runtii maanta lagu faani karo,waxaana uu awooday in uu wax la qeybsado caalamka,waxaa uu garoomada kala duwan ka muujiyey sharaf iyo in uu u soo jiido qadarin Ummada Soomaaliyeed,waxaana guushaasi dhaliyey Halyeeyo maanta taarikhda Isboortiga Soomaaliyeed uga jira meel aad iyo aad u sarreysay Ummadana ay u hayso Ixtiraam aan la qiyaasi karin,taasoo ku timid sida ay u soo daafaceen sharafka iyo qiimaha ay Soomalidda leedahay. Maanta Bahweynta Isboortiga ee reer SWEDEN waxa  sharaf u ah in ay la Joogto Marwo Luul Cusmaan Sabriye oo ka mid aheyd geesiyadda u soo halgamay Isboortiga Soomaaliyeed magac iyo maamusna u soo hoyisay Qaranka Soomaaliyeed”ayuu yiri Maxamed Mukhtaar oo intaas ku sii daray.
 

“Marwo Luul,waxa ay Isboortiga ka soo billawday Degmadda Waaberi iyadoo ka mid aheyd Kooxda Kubadda Koleyga ee degmadaasi, iyadoo Degmadaasi la qeybsatay Guuloo aan la qiyaasi karin oo ay ku kasbatay magaca iyo ixtiraam aad u sarreeya,kaddib markii la arkay dadaalka iyo hammiga ay u hayso Kubadda Koleyga ayaa waxa loo qaatay in ay ka mid noqoto Kooxda Kubadda Koleyga ee Naadiga Muqdishu halkaas oo ay wacdaro ka muujisay Garoomadda waa weyn ee Kubadda Koleyga,waxayna nasiib u yeelatay in ay Naadiga Muqdishu la qeybsato Guulo illaa iyo maanta taarikhda ku jira,dadaalkaasi waxa uu Marwo Luul u keenay in loo doorto in ay ka mid noqoto Xulka Qaranka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga”.
 
Maxamed Mukhtaar oo ka sii sheekeynayay taariikhda Marwo Luul Cusmaan  iyo saaxibadeed waxaa uu yiri “Waxay awoodeen in Calanka Soomaaliyeed ay ka dhex taagaan garoomadda Caalamka ee Kubadda Koleyga,waxayna Marwo Luul ay dadaalkaasi ku hesahay Abaalmarinno kala duwan oo ay ku muteysatay dadaakaas dheer oo ay soo gashay. Marwo Luul Cusmaan Sabrie,markii Ciyaaraha ay ka fariisatay dhawaac ka soo gaaray Jilibka,ayey waxay noqotay Gabadha kali ah oo noqoto Tababare Kubadda koleyga, taana waxay ka mid tahay guulaha ay Marwo Luul Cusmaan Sabreye  ka Gaartay sboortiga,waxaana maanta anigoo ku hadlaayo magaca Bahwynta Isboortiga Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Sweden ugu hambalyeyneynaa Guushaas ay u soo hoysay Shacabka Soomaaliyeed Gaar ahaan bahweynta Isboortiga,waxaana mar kale kuugu soo dhaweyneynaa qalbi furan oo xambaarsan kalgaceyl isboorti”.


Luul Cusmaan Sabriye markii ay tagtay Canada waxay ka bilaawday in ay tababarto Gabdho aad u jecel K/Kolayga oo da’dooda ka yar tahay 20 sano,waxaana intaa u sii dheeraa in ay dadka waa weyn ay siin jirtay jimicsiga Jirka oo ay ku Caawin jirtay,arinkaas oo ay ku heshay tixgelin iyo qadarin.

Intaas kaddib Waxaa Cod baahiyaha lagu soo dhaweeyay Wakiilka XSKC ee arimaha maaliyada Abuukar Aadan Deeqow (Boos Caato)  oo ku hadlayey magaca bahwaynta sportiga ee degen magaalada Stockholm  kuna soo dhaweeyey Luul Cusmaan Sabreye. Boos Caato wuxuu warbixin gaaban ka siiyey magaalada iyo waliba bahwaynta sportiga ee Stockholm isagoo xusay muddadii ay soo billaabeen Cayaarihii xagaaga ee K/Kolayga.

Waxaa ayadana halkaas ka hadashay Ruqiyo Warsame Rooti oo si farxad ku jirto u soo dhaweysay Walaasheed Luul Cusmaan Sabreye,waxaa Codbaahiyaha lagu soo dhaweeyay Asad Ceymoy oo halkaas ka soo jeediyay Khudbad Dheer oo meela badan taabaneysay, gaar ahaan  sida looga horumarin lahaa dhalinta soo koreyso xagga isboortga iyo waxbarashada iyadoo la rabo in lagu dadaalo sidii loogu qaban lahaa Ciyaaro tayadooda Fiican tihiin.


Waxaa hadalkii qaatay Wakiilka K/Kolayga ee arimaha Farsamada Stockholm Raage Meeryaa oo soo dhaweeyay Cayaaryahanada  weyn ee K/kolayga  Luul Cusmaan Sabreye asagoo ka warbixiyay u diyaargarowga Cayaaraha xagaaga K/kolayga2012  ee soo socdo in ay ka dhacayaan xaafadda ay Soomaalida aad u dagan yihiin ee Rinkeby ayadoo lagu marti qaadi doono marti sharaf aad u heer sarreyso haddii illaah yiraahdo.

Waxaa hadalkii qaatay Guddoomiyaha Ururka SKIF Xamdi Sheikh Axmed oo ka warbixiyay Ciyaarihii sanadkii hore quruxda badnaa sidii ay u dhaceen iyo marti sharaftii ka soo qeybgashay iyadoo sanadkaan Stockholm loo aqoonsaday in ay tahay Xaruntii K/Kolayga Yurub, uuna ku dhawaaqay Xoghayaha XSKK Saciid Faarax oo ka soo qeyb galay sanadkii tagay 2011.

Waxaa asna ka hadlay walimaalim oo ka warbixiyay Cayaarihii Xagaaga ee K/cagta ee sanadkii hore la soo qabtay iyo u diyaargawga sanadkaan oo la rabo in ay dhacaan Cayaaro Tayadooda aad u heer sareyso.


Waxaa halkaas hadalo gaagaaban ka soo jeediyay Sahra Barqadle,Almo,Tariig Iigoy, Aamina Maxamed Warsame, Deeqo Dalmar, Low,Maxamuud Kulane, Feysal Makaraan, Feysal Fuaad, Sacad Cumar Geedi, Ismahaan Cusmaan Xabreye. Fanaanka weyn ee reer Sweden Supper Khaalid oo Erayo aad u Macaan halkaas  ka soo jeediyay soona dhaweeyay Luul Cusmaan Sabriye.

Waxaa hadalkii la siiyay Halyeeyadda Luul Cusmaan Sabriye, waxayna soo  jeedisay khudbad dheer oo Taariikhdeeda ispoorti ku jirto  taabaneyso hurumarinta spoortiga iyo Midnimada kaddibna waxay ka mahadcelesay sidri diirraneed ee walaaltinimada iyo Farxadda lahayd ee loogu soo dhaweeyay Stockholm, waa mid aanan illoobi doonin oo ay ku ammaanan yihiin bahda spoortiga Sweden ayayna tiri Luul.
 
 Waxaa hadalkii soo gabagabeeyay Gudoomiye-Ku-Xeg Hore ee XSKC Cabdi Maxauud Cabdulle (Cabdi Cadde) oo marka hore Gacmo furan ku soo dhaweeyay Luul Cusmaan Marka xiga ku marti qaaday Cayaaraha xagaaga ee soo socday in ay kala soo qeybgasho haddii Allaah yiraahdo,waxaana mar labaad iyo marsadexaad ku leeyahay ku soo dhawow Stockholm ayuuna hadalkiisa ku so oaf-jaray.















Maxamed Mukhtaar Sheikh
[email protected]
Stockholm, Sweden













Click here
5/3/2012 9:29 AM EST
Khamiis, May 03, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka DKMG ah ee Soomaaliya, C/samad Macallin Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah xariga uga jaray barnaamijka xasilinta Muqdisho oo ay iska kaashanayaan hay’adda Mareykanka u qaabilsan horumarinta caalamiga (USAID) iyo hay’adda Ingiriiska (UK) u qaabilsan horumarinta dibadda (DFID), iyadoo barnaamijkan lagu taageerayo $9.5 malyuun oo ah deeq ka timid dowladaha Mareykanka iyo UK.

5/3/2012 9:16 AM EST
Khamiis, May 03, 2012 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshadda Soomaliyeed; sida ururada, xubno ka tirsan culumaa’udiinka Ahlusunna iyo dhalinyaradda.

5/3/2012 8:57 AM EST
Khamiis, May 03, 2012 (HOL) — Hay'adaha samofalka ee HARO iyo WAMY ayaa ugu qaybiyay maanta oo Khamiis ah ugu qaybiyay Muqdihso 450-qoys oo barakacayaal ah gargaar isugu jiray dhar, raashin iyo caano-boore.

5/3/2012 8:42 AM EST
Khamiis, May 03, 2012 (HOL) — Guddidda Diiwaangelinta ururadda Siyaasadda iyo ansixinta axsaabta Somaliland, ayaa sheegay sagaalka urur ee qiimeynta ku hadhay in aanay buuxin shuruudihii laga rabay,isla markaana ay ka xun yihiin eeddaha ay usoo jeediyeen ururadaasi hadhay.

5/3/2012 8:39 AM EST
Khamiis, May 03, 2012 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxay waddaa qorshe ay isugu diyaarinayso inay xukunka ku wareejiso dowlad lasoo doortay marka la gaaro bisha Ogoosto ee sannadkan, markaasoo ay dhammaanayso xilliga dowladda KMG ah ay shaqeynayso.

5/3/2012 8:01 AM EST
Khamiis, May 03, 2012 (HOL) — Kulankan oo lagu qabtay hotel Saxafi ee Muqdisho ayaa waxaa kasoo qaybgalay waxgarad, suldaanno, dhallinyaro isugu jiray gabdho iyo wiilal iyo dad waayeel ah, waxaana looga hadlayay xoojinta nabadda iyo sidii ay Soomaaliya ku heli lahayd nabad.

5/3/2012 7:18 AM EST
Khamiis, May 03, 2012 (HOL) — Maalinta xoriyatul qawlka aduunka ayaa si weyn loogu xusay magaaladda Hargeysa ee Somaliland, kaas oo ay ka soo qaybgaleen suxufiyiinta ka hawlgalla magaaladda Hargeysa iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo xisbiga muxaafadka ah ee KULMIYE.

5/3/2012 7:16 AM EST
Khamiis, May 03, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta is-hortaag ku sameysay shir ay Muqdihso ku yeelan lahaayeen siyaasiyiin iyo xildhibaanno kasoo horjeeda dowladda KMG ah, kuwaasoo uu ku jiray Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-cadde).

5/3/2012 1:46 AM EST
Khamiis, May 03, 2012 (HOL) — Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in aan Muqdisho lagu qaban karin shirar aan lagu soo wargelin wasaaradda arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka ee dowladda KMG ah.

5/3/2012 1:38 AM EST
Khamiis, May 03, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay ku toogtay xaafadda garsoor ee waqooyiga degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug suxufi u shaqeynayay idaacadda Daljir oo lagu magacaabi jiray, Farxaan Jeemis Cabdulle xilli uu ka tagay goobtiisa shaqo uuna kusii socday gurigiisa.

5/3/2012 1:29 AM EST
Khamiis, May 03, 2012 (HOL) — Xoogagga Xarakada Al-shabaab ayaa la wareegay gacan ku haynta deegaanka Goobo oo ka tirsan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan gallinkii dambe ee shalay kaddib dagaal muddo kooban socday oo tuuladaas ku dhexmaray xoogagga Al-shabaab iyo kuwa Ahlusunna oo halkaas ku sugnaa.