4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 3 , 2012
Suldaanno iyo Waxgarad Soomaaliyeed oo Muqdisho ku qabtay kulan looga hadlayay Nabadda iyo Dowladnimada Soomaaliya

Khamiis, May 03, 2012 (HOL) — Kulankan oo lagu qabtay hotel Saxafi ee Muqdisho ayaa waxaa kasoo qaybgalay waxgarad, suldaanno, dhallinyaro isugu jiray gabdho iyo wiilal iyo dad waayeel ah, waxaana looga hadlayay xoojinta nabadda iyo sidii ay Soomaaliya ku heli lahayd nabad.



Suldaanka Fiqi Sayid Suldaan Fiqi oo ah suldaanka beesha Tunni oo ka mid ah beelaha daga Koonfurta Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay kulankan, waxaana dadkii kulanka goobjoogga ka ahaa oo dhan ay taageero u muujiyeen sudaanka.

"Haddii aan wax walba loo hurin badbaadinta Soomaaliya, maanta waxaa la joogaan heerkii ugu dambeeyay oo ay dhici karto in qariidadda dunida laga tiro Soomaaliya haddii aan Qarannimada dib loosoo celin," ayuu yiri Suldaanka oo ah nin dhallinyar oo ka yimid dalka dibadiisa.

Dadkii kulanka goobjoogga ka ahaa ayaa hadalkan sacab kusoo dhaweeyay; iyagoo muujiyay sida ay uga go'an tahay in Soomaaliya ay mar kale cagaheeda isku taagta iyadoo waxgaradkii iyo siyaasyiinta goobta ka hadlay ay iyaguna soo jeediyeen in si aad ah loogu dadaalo sidii nabadda Soomaaliya lagu soo celin lahaa.

"Waxaa la joogaa kaalintii Suldaannada - waa inay iska eegaan waxa la doonayo in lasoo hordhigo oo dastuurka ah, waana inaad ogaataan halkii Soomaali aad geysaan ayaa noqonaysa meesha la dagayo," ayuu yiri xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo kulanka ka hadlay.

Sidoo kale, waxaa hadlay Col. Yuusuf Cali Cagey oo ka mid ahaa saraakiishii hore ee Soomaaliya, isagoo sheegay inuusan weligiis arkin goob ay ku shirsan yihiin beesha Tunni, wuxuuna dhallinyaro iyo cirroole ka dalbaday inay dhexda u xirtaan sidii ay Soomaalida uga dhaqi lahaayeen dhibaatadii soo martay.

"Aad ayaan ugu faraxsanahay kasoo qaybgalka kulankan, balse waxaa doonayaa in aan idinka codsado inaad nabadda xoogga saartaan, waayo waxaad tihiin dad aan ka qaybgelin burburka Soomaaliya, waana inaad ka qaybgashaan dib u soo celinta Qaranimada Soomaaliya," ayuu yiri Col. Cagey.

Xildhibaanad Caasho Cabdi Sheekh oo iyaduna ka hadashay madasha ayaa soo dhaweysay suldaanka beesha Tunni waxayna sheegtay inay ku faraxsan tahay in la isugu yimaado kulan looga hadlayo nabadda iyo soo celinta dowladnimadii Somalia.

Waxgarad iyo salaadiin kale oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa waxay ka hadleen dhibaatada dalka soo martay iyagoo ugu baaqay Soomaalida inay ka shaqeeyaan sidii lagu soo celin lahaa nabdda iyo dowladnimada Soomaaliya muddo dheer kaddib.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya