4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 3 , 2012
Hay'adaha HARO iyo WAMY oo Gargaar isugu jirtay Dhar, Raashin iyo Caano-boore ugu qaybiyay Muqdisho Qoysas Barakacayaal (SAWIRRO)


Khamiis, May 03, 2012 (HOL) — Hay'adaha samofalka ee HARO iyo WAMY ayaa ugu qaybiyay maanta oo Khamiis ah ugu qaybiyay Muqdihso 450-qoys oo barakacayaal ah gargaar isugu jiray dhar, raashin iyo caano-boore.

Gargaarkan oo bixintiisa ay iska kaashadeen labada hay'adood ayaa waxaa aad u soo dhaweeyay qoysaskii loo qaybiyay, waxaana goobta lagu bixiyay oo ku taallay degmada Wadajir ku sugnaa guddoomiyaha hay'adda HARO Cali Xaaji Sheekh C/nuur iyo mas'uuliyiinta hay'adda kale ee WAMY.

Qoysaskii deeqdan ka faa'iideystay ayaa aad u soo dhaweeyay iyagoo sheegay in lagu soo beegay xilli ay baahi weyn u qabeen, waxayna ku jiray dadkii deeqdan ka faa'iideystay kuwo curyaamiin ah iyo dad waayeel ah.

Mas'uuliyiinta hay'adaha deeqda bixiyay ayaa waxay sheegeen in dharka uu ahaa mid ka yimid dalka dibaddiisa, raashinkana uu ahaa mid horay u yaallay Muqdisho ayna u qaybiyeen dadkii ugu liitay ee ay soo xuleen.


"Waan uga mahadcelinayaa hay'adaha deeqdan nasoo gaarsiiyay. Waxaa lagu soo beegay xilli aan baahi weyn u qabnay," ayuu yiri oday ay ka go'an tahay gacanta midig oo ka mid ahaa dadkii deeqdan ka faa'iideystay.

Dadkii deeqahan loo qaybiyay ayaa waxaa qoys walba la siiyay xirmo dhar ah oo ka kooban illaa toban shay, 50-kg oo bariis ah iyo welib laba gasac oo caano boore ah kuwaasoo ay ku jireen 1,800-kg oo caano marka la isku geeyo.

Ma ahan markii ugu horreysay oo hay'adahan ay gargaar noocan oo kale ah ugu qaybiyaan Muqdisho qoysas dhibaateysan, waxaase ay horay dhowr jeer u bixiyeen gargaarro isugu jiray, raashin iyo dhar.

Dhanka kale, hay'adda HARO ayaa waxay tababar socday laba casho ugu qabatay Muqdisho ardayda dugsiyada sare ee gobolka Banaadir qaarkood, kuwaasoo ay bartay gargaarka deg-degga ah, waxanaa tababarkaas ka faa'iideystay lixdan arday.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya