3/31/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 28, 2012
Madaxweynaha Somaliland oo dhagax-dhigay dib u habayn lagu samaynayo Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa

Isniin, May 28, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa dhagax dhigay Madaarka Caalamiga ah Cigaal ee magaaladda Hargaysa oo laga bilaabay hawl dib loogu hagaajinayo madaarka, isla markaana laga dhigayo mid casri ah oo la jaanqaada madaarada caalamiga ah ee aduunka.

Madaarka ayaa lagu samaynayaa qolof ridid dhabaha ay diyaaraduhu ka Haadaan iyo guud ahaan madaarka oo dhan, iyadoo dib u hagaajinta ay maalgalisay dawladda Kuwayt, isla markaana ay fulinayso shirkad caalami ah oo laga leeyahay dalka shiinaha oo dhowaan ku guulaysatay tartan ay shirkado caalami ahi u galeen dib u casriyeynta madaarka diyaaradaha ee magaaladda Hargeysa.

Shirkadan ku guulaysatay ee dib u hagaajin doonta garoonka ayaa la yidhaa China Horn Group, taas oo muddo sanad ah ku qaadatay inay ku casriyeyso garoonka diyaaradaha magaaladda Hargeysa, iyadoo laga joojiyey diyaaradihii waaweynaa ee ka soo degi jiray madaarka, balse diyaarado kooban oo yaryar loo baneeyey meelo ay ka soo degaan.

Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo hawada Maxamuud Xaashi Cabdi oo munaasabadan ka hadlay ayaa sheegay in madaarkan oo markii ugu horaysay la dhisay badhtamihii qarnigii labaatanaad uu soo maray duruufo kala duwan xiligana ay rajaynayaan inuu noqdo mid u dhisan qaabka garoomada diyaaradaha ee caalamiga ah.

Mudane Maxamud Xaashi Cabdi waxa uu sheegay inuu dadaal ugu jiro sidii uu u qurxin lahaa labada madaar ee dalka ugu weyn ee Madaarka Cigaal International Airport iyo ka Magaalada Berbera oo iyana aad loo habeeyey oo laga dhigayey mid la tartama Garoomadda caalamiga ah ee aduunka.

Madaxweynaha Somaliland Md: Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo oo ka soo qaybgalay dib u habaynta madaarka ayaa uga mahad-naqay dawladda Kuwayt mashruuca dib u dhiska madaarada Hargaysa iyo Berbera oo uu ku baxaya adduun lacageed oo dhan 10 malyan oo dollar.

"marka hore waxaan aad ugu mahad naqayaa dawlada Kuwayd oo casriyeynta iyo habaynta garoomadda Hargeya iyo Berbera inoo maalgalinaysa, garoomaduna waxa ay ka mid yihiin muraayada laga daawado horumarka dhinacyada kala duwan leh ee Somaliland ku talaabsatay"ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland oo ka hadlayey dib u habaynta lagu samaynayo garoonka Cigaal ee magaaladda Hargeysa.

Madaarkan Hargeysa ayaa laga joojiyey inay diyaaradaha waaweyn ka soo degaan ilaa inta la dhamaynayo, iyadoo loo wareejiyey madaarka magaaladda Berbera, balse waxa madaarka Hargeya qayb ka mid ah loo habeeyey diyaaradaha yar yar ee ganacsiga iyo kuwa ay wataan wufuudda caalamiga ah ee dalka booqashada ku yimaadda.

Barkhad-Ladiif M. Cumar
[email protected]
Hargeysa, Somaliland













Click here
5/28/2012 8:22 AM EST
Isniin, May 28, 2012 (HOL) — AMISOM ayaa sheegtay in ciidamadooda iyo kuwa DKMG ah oo iskaashanaya ay sugeen ammaanka deegaannada ku yaalla inta u dhexeysa magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

5/28/2012 7:57 AM EST
Isniin, May 28, 2012 (HOL) — Maamulka Puntland ayaa sheegay in ciidamadooda ammaanku xirneen 11-burcadbadeed Soomaaliyeed ah, kuwaasoo watay hub isugu jira qoryaha fudud, kuwa culus iyo gaari.

5/28/2012 7:49 AM EST
Isniin, May 28, 2012 (HOL) — Qarax weyn oo ka dhacay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa waxaa ku dhaawacmay 35-qof oo shan ka mid ah la sheegay in dhaawacyadoodu yihiin kuwo culus.

5/28/2012 6:38 AM EST
Isniin, May 28, 2012 (HOL) — Warar goor dhaw naga soo gaaray degmada Cadaado ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in dagaal khasaare sababta uu dhex-martay xoogag ka kala tirsan Ahlusunna Waljameeca iyo maamulka Ximin iyo Xeeb oo ka dhisan bartamaha Soomaaliya.

5/28/2012 6:34 AM EST
Isniin, May 28, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa maanta oo Isniin ah kula kulmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya dhiggiisa dalkaas, Raila Odinga iyagoo kawada hadlay arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal, arrimaha amniga iyo howlgallada ka socda Soomaaliya oo ay ciidamada Kenya qaybta ka yihiin.

5/28/2012 6:24 AM EST
Isniin, May 28, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda KMG oo garab ka helaya kuwa Kenya iyo Xarakada Al-shabaab ayaa saaka aroortii ku dagaalamay deegaanka Qooqaani ee gobolka Jubada Hoose, iyadoona dagaalkaasi uu ahaa mid aad u culus oo ay labada dhinac isu adeegsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan.

5/28/2012 3:59 AM EST
Isniin, May 28, 2012 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa xalay ku dilay degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir mid ka mid ah guddoomiye waaxeedyada maamulka degmadaas, iyadoo dilkan uu imaanayo xilli ay ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM qabsadeen degmada Afgooye oo 30-km u jirta Muqdisho.

5/28/2012 3:38 AM EST
Isniin, May 28, 2012 (HOL) — Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo la hadlay idaacadda ku hadasha afka Al-shabaab ee Andulus ayaa sheegay inuu weji cusub galay dagaalka ay kula jiraan ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG ah ee Soomaaliya.

5/28/2012 3:26 AM EST
Isniin, May 28, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiga, Ahmet Davutoğlu ayaa sheegay in Turkiga aysan wax dano dhaqaale iyo mid siyaasadeed ah ka lahayn Soomaaliya, sidoo kalena aysan u arag meel ay khatar weyn oo dhinaca ammaanka ah ka jirto.