4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 28, 2012
Maamulka Puntland oo sheegay inay qabteen 11-burcadbadeed ah oo uu ku jiray nin ay si aad ah u Raadinayeen

Isniin, May 28, 2012 (HOL) — Maamulka Puntland ayaa sheegay in ciidamadooda ammaanku xirneen 11-burcadbadeed Soomaaliyeed ah, kuwaasoo watay hub isugu jira qoryaha fudud, kuwa culus iyo gaari.

Burcadbadeedda Soomaalida ayaa ku caan-baxay inay qabsadaan maraakiibta si ay uga helaan malaayiin dollar oo madaxfurasho lacageed ah, waxaana lagu qiyaasay lacagta ay madaxfurasho ahaanta u helaan sannad walba 150-milyan oo dollarka Mareykanka ah.

"Aroornimadii hore ee Axadda... howlgal ay ciidammada booliiska badda ee Puntland ka sameeyeen deegaanka xaafuun ee gobolka Bari waxay kusoo xireen 11-ruux oo burcadbadeed ah," ayuu yiri wasiirka ammaanka Puntland, Khaliif Ciise Mudan.

Wasiirku wuxuu sheegay in kooxdan burcadbadeedda ah ee la qabtay uu ku jiray nin ay si aad ah u doon-doonayeen oo lagu magacaabo Maxamed Maxamuud Maxamed Xasan oo ku magac-dheer (Dhafoor), kaasoo uu sheegay inuu kaalin weyn ku lahaa afduubyo maraakiib ganacsi loogu geystay badda cas.

"Raggan waxaa lagu qabtay toddoba qori oo kuwa fudud ah iyo qori culus oo nooca daran-doorriga u dhaca ah," ayuu yiri wasiirka oo sheegay in raggan ay xiran yihiin lana soo taagi doono maxkamad.

Maamulka Puntland wuxuu sheegay in Xasan Dhafoor uu qayb ka ahaa kooxo dilay shan ka tirsan ciidamada ammaanka Puntland xilli uu socday howgal lagu doonayay in lagu soo furto qoys Daanish oo afduub loogu haystay Puntland sannadkii hore.

Puntland waxaa ku yaalla deegaannada ugu badan ee kooxaha burcadbadeedda ah ay ku leeyihiin saldhigyada ay ka duulaan, balse maamulka Puntland wuxuu wadaa olole uu ku doonayo inuu deegaannadiisa uga cirib-tiro burcadbadeedda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya