
Isniin, May 28, 2012 (HOL) — Qarax weyn oo ka dhacay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa waxaa ku dhaawacmay 35-qof oo shan ka mid ah la sheegay in dhaawacyadoodu yihiin kuwo culus.
Taliyaha ciidanka booliska ee magaalada Nairobi, Mathew Iteere ayaa sheegay in qaraxu uu ka dhashay koronto qaraxday.
Dadka dhaawacmay ayaa lagu daaweynayaa isbitaaladda kala duwan iyagoo badankooda la geeyay isbitaalka qaranka ee Kenyatta Hospital.
Qaraxa ayaa qalqal geliyay isu socodka gaadiidka iyo ganacsiga bartamaha magaalada Nairobi, iyadoo qaraxu uu dab xoog leh ka kiciyay dhismaha asasannanda oo ku yaalla waddada Moi Avenue, taasoo xudun u ah isku socodka magaalada Nairobi.
Dadweynaha Soomaalida ee ku nool xaafadda Islii ee magaalada Nairobi iyo qaybaha kale ee Nairobi ayaa ku farxay markii uu taliyaha ciidamada boolisku sheegay in qaraxu uu ahaa mid koronto ka dhashay.



Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya
Faahfaahinta Qarax ka dhacay Bartamaha Magaalada Nairobi (DAAWO SAWIRRO)
More News
- AMSIOM oo sheegtay inay sugtay Ammaanka Deegannada ku yaalla inta u dhexeysa Muqdisho iyo Degmada Afgooye
- Maamulka Puntland oo sheegay inay qabteen 11-burcadbadeed ah oo uu ku jiray nin ay si aad ah u Raadinayeen
- Madaxweynaha Somaliland oo dhagax-dhigay dib u habayn lagu samaynayo Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa
- Dagaal khasaare sababay oo xoogag ka kala tirsan Ahlusunna iyo Ximin iyo Xeeb ku dhaxmaray degmada Cadaado
- Ra'iisul Wasaareyaasha dalalka Soomaaliya iyo Kenya oo Nairobi ku yeeshay kulan ay uga hadleen Arrimaha Soomaaliya
- Ciidamada Dowladda KMG oo Kaashanaya kuwa Kenya iyo Xoogagga Al-shabaab oo ku dagaalamay Gobolka Jubbada Hoose
- Kooxo hubeysan oo Degmada Wardhiigley ku toogtay mid ka mid ah Mas'uuliyiinta Maamulka degmadaas
- Afhayeenka Al-shabaab oo sheegay in dagaalka ay kula jiraan AMISOM iyo Dowladda KMG ah uu weji cusub galay
- Xukuumadda Turkiga oo sheegtay inaysan Somalia ka lahayn dano gaar ah, aysanna u arag meel ay khatari ka jirto