3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 28, 2012
Dagaal khasaare sababay oo xoogag ka kala tirsan Ahlusunna iyo Ximin iyo Xeeb ku dhaxmaray degmada Cadaado

Isniin, May 28, 2012 (HOL) — Warar goor dhaw naga soo gaaray degmada Cadaado ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in dagaal khasaare sababta uu dhex-martay xoogag ka kala tirsan Ahlusunna Waljameeca iyo maamulka Ximin iyo Xeeb oo ka dhisan bartamaha Soomaaliya.

Sida uu HOL u sheegay wariye jooga degmada Cadaado dagaalka ayaa dhacay kaddib markii xoogag ka tirsan Ahlusunna Waljameeca oo ka yimid dhinaca magaalada Gaalkacyo rasaas ku fureen dad rayid ah xilli ay marayeen meel koontarool ah oo looga baxo degmada Cadaado.

"Xoogagga Ahlusunna waxay ahaayeen kuwo kasoo laabtay aaska Sheekh Cumar Sheekh Maxamed Faarax, markii hore si nabad ah ayay ku dhaxmareen degmada Cadaado, laakiin markii danbe oo ay kasoo laabteen Gaalkacyo kuna sii jeedeen deegaannada ay maamulaan ayay rasaas ku fureen dad rayid ah," ayuu yiri wariyaha la hadllay HOL ee ku sugan degmada Cadaado.

Hal ruux ayaa inta la og-yahay ku dhintay is-rasaaseynta dhax-martay labada dhinac, kaasoo sida la sheegay ka tirsan xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca, waxaana ay wararku intaa ku darrayaan in ciidamada maamulka Ximin iyo Xeeb la wareegeen hubkii ay ku dagaallamayeen dagaalyahannada ka tirsan Ahlu Sunna Waljameeca.

Illaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha maamulka labada dhinac, waxaana degan xaalada goobtii uu dagaallku ka dhacay maanta, walow dadku ay siweyn uga argagaxeen iska horimaadka labada dhinaca.

Maa’aha markii ugu horeysay oo sida oo kale uu dagaal u dhaxmaray labada dhinac, waxaana inta badan warbaahinta laga maqlaa hadalo u badan hanjaabado ay hawada isku mariyaan mas’uuliyiinta iyo saraakiisha labada maamul ee ka wada dhisan bartamaha dalka Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya













Click here
5/28/2012 8:22 AM EST
Isniin, May 28, 2012 (HOL) — AMISOM ayaa sheegtay in ciidamadooda iyo kuwa DKMG ah oo iskaashanaya ay sugeen ammaanka deegaannada ku yaalla inta u dhexeysa magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

5/28/2012 7:57 AM EST
Isniin, May 28, 2012 (HOL) — Maamulka Puntland ayaa sheegay in ciidamadooda ammaanku xirneen 11-burcadbadeed Soomaaliyeed ah, kuwaasoo watay hub isugu jira qoryaha fudud, kuwa culus iyo gaari.

5/28/2012 7:49 AM EST
Isniin, May 28, 2012 (HOL) — Qarax weyn oo ka dhacay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa waxaa ku dhaawacmay 35-qof oo shan ka mid ah la sheegay in dhaawacyadoodu yihiin kuwo culus.

5/28/2012 6:40 AM EST
Isniin, May 28, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa dhagax dhigay Madaarka Caalamiga ah Cigaal ee magaaladda Hargaysa oo laga bilaabay hawl dib loogu hagaajinayo madaarka, isla markaana laga dhigayo mid casri ah oo la jaanqaada madaarada caalamiga ah ee aduunka.

5/28/2012 6:34 AM EST
Isniin, May 28, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa maanta oo Isniin ah kula kulmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya dhiggiisa dalkaas, Raila Odinga iyagoo kawada hadlay arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal, arrimaha amniga iyo howlgallada ka socda Soomaaliya oo ay ciidamada Kenya qaybta ka yihiin.

5/28/2012 6:24 AM EST
Isniin, May 28, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda KMG oo garab ka helaya kuwa Kenya iyo Xarakada Al-shabaab ayaa saaka aroortii ku dagaalamay deegaanka Qooqaani ee gobolka Jubada Hoose, iyadoona dagaalkaasi uu ahaa mid aad u culus oo ay labada dhinac isu adeegsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan.

5/28/2012 3:59 AM EST
Isniin, May 28, 2012 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa xalay ku dilay degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir mid ka mid ah guddoomiye waaxeedyada maamulka degmadaas, iyadoo dilkan uu imaanayo xilli ay ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM qabsadeen degmada Afgooye oo 30-km u jirta Muqdisho.

5/28/2012 3:38 AM EST
Isniin, May 28, 2012 (HOL) — Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo la hadlay idaacadda ku hadasha afka Al-shabaab ee Andulus ayaa sheegay inuu weji cusub galay dagaalka ay kula jiraan ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG ah ee Soomaaliya.

5/28/2012 3:26 AM EST
Isniin, May 28, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiga, Ahmet Davutoğlu ayaa sheegay in Turkiga aysan wax dano dhaqaale iyo mid siyaasadeed ah ka lahayn Soomaaliya, sidoo kalena aysan u arag meel ay khatar weyn oo dhinaca ammaanka ah ka jirto.