3/25/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 28, 2012
Kooxo hubeysan oo Degmada Wardhiigley ku toogtay mid ka mid ah Mas'uuliyiinta Maamulka degmadaas

Isniin, May 28, 2012 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa xalay ku dilay degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir mid ka mid ah guddoomiye waaxeedyada maamulka degmadaas, iyadoo dilkan uu imaanayo xilli ay ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM qabsadeen degmada Afgooye oo 30-km u jirta Muqdisho.

Guddoomiye waaxeedka la dilay oo lagu magacaabi jiray Nuur Xaashi Diiriye ayaa la toogtay xilli uu ku socday gurigiisa oo ku yaalla degmada Xamar-jadiid, iyadoo ay kooxihii dilay goobta ka baxsadeen.

Ma jirto cid sheegatay inay mas'uul ka tahay dilkaas, sidoo kalena lama oga in dilkiisa uu xiriir la leeyahay xilka uu hayo iyo in kale, balse maamulka degmada ayaa sheegay inay baaritaan ku hayaan sida uu dilku u dhacay iyo cidda ka dambeysay.

Guddoomiyaha degmada Wardhiigley, Deeqo Cabdulqaadir Axmed ayaa sheegtay in baarista dilka guddoomiye waaxeedkan aysan meelna uga hari doonin, iyadoo intaa ku dartay in mas'uul la dilay uu guddoomiye ka ahaa waaxeedka Barwaaqo ee degmada Wardhiigley.

"Nuur Xaashi waxaa lagu dilay agagaarka saldhigga degmada, waxaana socda baaris ku aaddan dilkiisa; kamana hari doonno kuwii ka dambeeya dilka," ayay Deeqo u sheegtay warbaahinta.

Balse, ehellada marxuumka oo iyaguna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inuusan ka mid ahayn maamulka degmada Wardhiigley, iyagoo sheegay inuu ahaa nabaddoon ayna dileen kooxo bastoolado ku hubeysan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
5/28/2012 8:22 AM EST
Isniin, May 28, 2012 (HOL) — AMISOM ayaa sheegtay in ciidamadooda iyo kuwa DKMG ah oo iskaashanaya ay sugeen ammaanka deegaannada ku yaalla inta u dhexeysa magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

5/28/2012 7:57 AM EST
Isniin, May 28, 2012 (HOL) — Maamulka Puntland ayaa sheegay in ciidamadooda ammaanku xirneen 11-burcadbadeed Soomaaliyeed ah, kuwaasoo watay hub isugu jira qoryaha fudud, kuwa culus iyo gaari.

5/28/2012 7:49 AM EST
Isniin, May 28, 2012 (HOL) — Qarax weyn oo ka dhacay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa waxaa ku dhaawacmay 35-qof oo shan ka mid ah la sheegay in dhaawacyadoodu yihiin kuwo culus.

5/28/2012 6:40 AM EST
Isniin, May 28, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa dhagax dhigay Madaarka Caalamiga ah Cigaal ee magaaladda Hargaysa oo laga bilaabay hawl dib loogu hagaajinayo madaarka, isla markaana laga dhigayo mid casri ah oo la jaanqaada madaarada caalamiga ah ee aduunka.

5/28/2012 6:38 AM EST
Isniin, May 28, 2012 (HOL) — Warar goor dhaw naga soo gaaray degmada Cadaado ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in dagaal khasaare sababta uu dhex-martay xoogag ka kala tirsan Ahlusunna Waljameeca iyo maamulka Ximin iyo Xeeb oo ka dhisan bartamaha Soomaaliya.

5/28/2012 6:34 AM EST
Isniin, May 28, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa maanta oo Isniin ah kula kulmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya dhiggiisa dalkaas, Raila Odinga iyagoo kawada hadlay arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal, arrimaha amniga iyo howlgallada ka socda Soomaaliya oo ay ciidamada Kenya qaybta ka yihiin.

5/28/2012 6:24 AM EST
Isniin, May 28, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda KMG oo garab ka helaya kuwa Kenya iyo Xarakada Al-shabaab ayaa saaka aroortii ku dagaalamay deegaanka Qooqaani ee gobolka Jubada Hoose, iyadoona dagaalkaasi uu ahaa mid aad u culus oo ay labada dhinac isu adeegsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan.

5/28/2012 3:38 AM EST
Isniin, May 28, 2012 (HOL) — Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo la hadlay idaacadda ku hadasha afka Al-shabaab ee Andulus ayaa sheegay inuu weji cusub galay dagaalka ay kula jiraan ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG ah ee Soomaaliya.

5/28/2012 3:26 AM EST
Isniin, May 28, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiga, Ahmet Davutoğlu ayaa sheegay in Turkiga aysan wax dano dhaqaale iyo mid siyaasadeed ah ka lahayn Soomaaliya, sidoo kalena aysan u arag meel ay khatar weyn oo dhinaca ammaanka ah ka jirto.