3/25/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 28, 2012
Xukuumadda Turkiga oo sheegtay inaysan Somalia ka lahayn dano gaar ah, aysanna u arag meel ay khatari ka jirto

Isniin, May 28, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiga, Ahmet Davutoğlu ayaa sheegay in Turkiga aysan wax dano dhaqaale iyo mid siyaasadeed ah ka lahayn Soomaaliya, sidoo kalena aysan u arag meel ay khatar weyn oo dhinaca ammaanka ah ka jirto.

Mr. Davutoğlu ayaa hadalkan ku sheegay khudbad uu ka jeedinayay shir looga hadlayo mustaqbalka Soomaaliya oo shalay oo Axad ahayd ka furmay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

"Soomaaliya waxay noqotay goob aad muhiim ugu ah siyaasadda dibadda ee dalka Turkiga, waxaana taas sabab u ah xiriirka adag ee fog ee labada dal u dhexeeya," ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Turkiga. "Soomaaliya uma aragno meel naga fog, balse waxaan u arkaynaa goob ay ka jirto xadaarad fog."

Shirka ka furmay dalka Turkiga ayaa waxaa ka qaybgalaya odayaasha-dhaqanka ee uu shirku uga socday Muqdisho, aqoonyahanno iyo ururrada bulshada rayidka ah, kaasoo lagu wado in looga hadlo ayaaha dalka Soomaaliya, inkastoo ay maamullada dalka ka jira qaarkood diideen ka qaybgalkiisa, iyagoo sheegay inay arkaan siyaasad ku dhisan.

"Turkigu kaalin weyn ayuu ka qaatay in indhaha caalamku ay u jeestaan Soomaaliya tan iyo markii uu ra'iisul wasaaraha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan booqday Soomaaliya bishii Ogoosto ee sannadkii hore,” ayuu Davutoğlu; isagoo intaas ku daray in Turkigu uu Soomaaliya dib uga furay safaaraddiisii, sidoo kalena ay Turkish Airlines billowday inay duulimaadyo caalami ah ku tagto Muqdisho.

Wasiirku wuxuu sheegay in madaxda Turkigu ay ku guuleysteen inay Soomaaliya tagaan iyadoo caalamka intiisa kale uu dibadda ka daawanayo dhibaatada gudaha ka socotay. Wuxuuna xusay in xilligaas kaddib uu Turkigu u diray Somalia hay'ado samofalka ah iyo siyaasiyiin sarsare.

"Innagu waxaan go'aansannahay inaan Soomaalida kala qaybqaadanno sidii ay dib ugu dhisi lahaayeen Qarankooda. Uma aragno Soomaaliya meel dano gaar ah laga raadiyo, umana aragno meel ay khatari ka jirto," ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga.

Ugu dambeyn, wasiirku wuxuu sheegay in Soomaaliya ay u arkaan meel ay colaado daashadeen, sidaa daraadeedna ay go'aansadeen inay dadaal fara badan ku bixiyaan sidii ay shacabka Soomaaliyeed dhibaatada ugu bixi lahaayeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
5/28/2012 8:22 AM EST
Isniin, May 28, 2012 (HOL) — AMISOM ayaa sheegtay in ciidamadooda iyo kuwa DKMG ah oo iskaashanaya ay sugeen ammaanka deegaannada ku yaalla inta u dhexeysa magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

5/28/2012 7:57 AM EST
Isniin, May 28, 2012 (HOL) — Maamulka Puntland ayaa sheegay in ciidamadooda ammaanku xirneen 11-burcadbadeed Soomaaliyeed ah, kuwaasoo watay hub isugu jira qoryaha fudud, kuwa culus iyo gaari.

5/28/2012 7:49 AM EST
Isniin, May 28, 2012 (HOL) — Qarax weyn oo ka dhacay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa waxaa ku dhaawacmay 35-qof oo shan ka mid ah la sheegay in dhaawacyadoodu yihiin kuwo culus.

5/28/2012 6:40 AM EST
Isniin, May 28, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa dhagax dhigay Madaarka Caalamiga ah Cigaal ee magaaladda Hargaysa oo laga bilaabay hawl dib loogu hagaajinayo madaarka, isla markaana laga dhigayo mid casri ah oo la jaanqaada madaarada caalamiga ah ee aduunka.

5/28/2012 6:38 AM EST
Isniin, May 28, 2012 (HOL) — Warar goor dhaw naga soo gaaray degmada Cadaado ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in dagaal khasaare sababta uu dhex-martay xoogag ka kala tirsan Ahlusunna Waljameeca iyo maamulka Ximin iyo Xeeb oo ka dhisan bartamaha Soomaaliya.

5/28/2012 6:34 AM EST
Isniin, May 28, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa maanta oo Isniin ah kula kulmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya dhiggiisa dalkaas, Raila Odinga iyagoo kawada hadlay arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal, arrimaha amniga iyo howlgallada ka socda Soomaaliya oo ay ciidamada Kenya qaybta ka yihiin.

5/28/2012 6:24 AM EST
Isniin, May 28, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda KMG oo garab ka helaya kuwa Kenya iyo Xarakada Al-shabaab ayaa saaka aroortii ku dagaalamay deegaanka Qooqaani ee gobolka Jubada Hoose, iyadoona dagaalkaasi uu ahaa mid aad u culus oo ay labada dhinac isu adeegsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan.

5/28/2012 3:59 AM EST
Isniin, May 28, 2012 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa xalay ku dilay degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir mid ka mid ah guddoomiye waaxeedyada maamulka degmadaas, iyadoo dilkan uu imaanayo xilli ay ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM qabsadeen degmada Afgooye oo 30-km u jirta Muqdisho.

5/28/2012 3:38 AM EST
Isniin, May 28, 2012 (HOL) — Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo la hadlay idaacadda ku hadasha afka Al-shabaab ee Andulus ayaa sheegay inuu weji cusub galay dagaalka ay kula jiraan ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG ah ee Soomaaliya.