3/31/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 2 , 2012
AXMED CABDISALAAN: "Dhaawacaygu ma ahan mid macno leh, waxaana dib ugu soo laabanayaa Gobollada Dhexe"

Arbaco, May 02, 2012 (HOL) — Axmed C/salaan Xaaji Aadan oo ka mid ahaa dadkii ay dhaawacyada culus kasoo gaareen qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay degmada Dhuusomareeb ee gobolka Galguduud ayaa sheegay in weerarkii lagu dhaawacay uusan ka leexin doonin hadafkiisa.

Siyaasiga Axmed C/salaan oo saxaafadda la hadlay markii dhaawiciisa laga qaadayay degmada Dhuusomareeb ayaa sheegay inuu aad u wanaagsan yahay uuna howshiisa uu waday sii wadi doono.

"Alxamdulillaah... shacabka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa in Ilaahay uu wax dilo waxna nooleeyo... anigu waan noolahay dhaawaca i gaarayna dhib ma lahan. Labadii xildhibaan ee dhintay Allaha u naxariisto," ayuu yiri Axmed C/salaan.

Mas’uulkan oo ahaa hoggaamiyaha xildhibaannadii ku sugnaa gobollada dhexe oo halkaas u joogay dhisidda maamul gobholeed cusub oo laga hirgeliyo gobollada dhexe ayaa sheegay ayaa intaas ku daray in Al-Shabaab ay ay doonayeen inay ka ridaan indhaha shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna bulshada ugu baaqay inay sidii midnimo loo gaari lahaa u midoobaan.

"Al-shabaab waxay ku talogashay inay Ummadda Soomaaliyeed indhaha ka riddo, Soomaali badan ayay dileen; taasna Alle ayaa wax dila mooyee iyaga waxba ma dili karaan," ayuu hadalkiisa raaciyay.

Axmed C/salaan wuxuu sheegay inuu dib ugu soo laaban doono gobollada dhexe ayna howshii ay u joogaan sii-wadi doonaan, isagoo sheegay in xildhibaannada ku sugan hadda ay howsha sii-wadayaan.

Weerarka uu ku dhaawacmay Axmed C/salaan ayaa waxaa sheegatay Al-shabaab oo ku sheegtay inuu ahaa mid aargudasho iyo ka hortag shirqool isugu jiray, iyadoo ay ku dhinteen weerarkaas, xildhibaan Yuusuf Mire Seeraar iyo xildhibaan C/weli Sheekh Maxamuud.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
5/2/2012 11:15 AM EST
Arbaco, May 02, 2012(HOL): Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Ahlu Sunna Waljamaaca ee Gobollada Dhexe Maxamed Yuusuf Xeefow ayaa sheegay in dhaawacyadii ka dhashay qaraxii shalay ka dhacay Dhuusamareeb loo qaaday Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

5/2/2012 8:59 AM EST
Arbaco, May 02, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho maanta, kaddib markii ay safar shaqo ku tageen dalka Uganda.

5/2/2012 8:34 AM EST
Arbaco, May 02, 2012(HOL): Maalinta Khamiista ah oo bisha May ay tahay 3, sannadka 2012 waxaa loo dareerayaa doorashada duqa magaalada iyo golaha deegaanka ee London. Axsaab badan iyo dad iskood u tagaan ayaa u sharaxan jagooyinka, balse labada shaqsi ee ugu cad cad iminka waa Duqa jagada haya iminka oo ka socda xisbiga Muxaafidka ah (Conservative) Boris Johnson iyo duqii ugu horreeyey ee la doorto kaddib markay London qaadatay habkan doorashada tooska ah ee duqa magaalada oo ka socda xisbiga Shaqaalaha (Labour) Ken Livingstone.

5/2/2012 8:20 AM EST
Arbaco, May 02, 2012 (HOL) — Diyaarad gaar ah ayaa maanta kasoo qaadday degmada Baydhabo ee gobolka Bay 27-xubnood oo ka mid ah xildhibaannada uga qaybgalaya gobollada Bay iyo Bakool shirka ansixinta dastuurka DKMG ah ee bishan lagu qabanayo magaalada Muqdisho.

5/2/2012 8:09 AM EST
Arbaco, May 02, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa wareegto uu soo saaray maanta oo Arbaco ah wuxuu ku magacaabay xilka ra’iisul wasaare ku xigeen ahna wasiirka wasaaradda beeraha, xannaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

5/2/2012 7:48 AM EST
Arbaco, May 02, 2012 (HOL) — Hay’adda Caruurta Dunida ee UNICEF ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in kumannaan caruur Soomaaliyeed ay khatar ugu jiraan inay dhintaan kaddib nafaqo-darro xooggan oo ku habsatay, iyadoo xustay in lacag la’aan awgeed aysan caawin karin.

5/2/2012 7:19 AM EST
Arbaco, May 02, 2012 (HOL) — Taliye cusub oo lagu magacaabo, Jen. Andrew Gutti ayaa maanta si rasmi ah ula wareegtay taliska ciidamada Midowga Afrika AMISOM ee ku sugna Soomaaliya, kaddib xaflad xilka lagu kala wareegsanayay oo maanta ka dhacday xarunta AMISOM ee Xalane.

5/2/2012 7:14 AM EST
Arbaco, May 02, 2012 (HOL) — Xaflad uu kasoo qaybgalay wasiirka gaashaandhiga ee Soomaaliya Xusseen Carab Ciise oo ka dhacday magaalada Nairobi ayaa shahaado sharaf lagu gudoonsiiyay danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Nuur (Ameerika).

5/2/2012 6:28 AM EST
Arbaco, May 02, 2012 (HOL) — Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa la geeyay maanta dhaawacyada, Axmed C/salaan Xaaji Aadan, Xildhibaan Xuseen Samatar Warsame, wariye Bashiir Maxamed Salaad (Sanka) iyo afar qof oo shacab ah kuwaasoo ku dhaawacmay qaraxii shalay ka dhacay degmada Dhuuso-mareeb ee gobolka Galguduud.

5/2/2012 6:10 AM EST
Arbaco, May 02, 2012 (HOL) — Wafdi ka socda xisbiga Hiil Qaran oo ay hogaaminayaan xubno sare oo ka tirsan xisbigaasi ayaa booqasho ku tagay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.

5/2/2012 3:22 AM EST
Arbaco, May 02, 2012 (HOL) — Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta u ah gobolka Galguduud ayaa saakay ku waabariisatay Bandow galinkii danbe ee shalay ku soo rogeen maamulka Ahlu Sunna Waljameeca kaddib weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay.

5/2/2012 3:11 AM EST
Arbaco, May 02, 2012 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa haweenka Soomaaliyeed kala hadlay hirgelinta Roadmap-ka, ansixinta dastuurka cusub iyo dhismaha baarlamaanka kaddib kulan uu xalay kula yeeshay xafiiskiisa.

5/2/2012 2:53 AM EST
Arbaco, May 02, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay in weerarkii ka dhacay degmada Dhuuso-mareeb ee gobolka Galguduud uu fuliyay dagaalyahan ka tirsan xoogaggooda uuna ahaa mid ay uga hor-tagayeen shirqool ay maleegayeen xildhibaannadii halkaas ku sugnaa.

5/2/2012 2:38 AM EST
Arbaco, May 02, 2012 (HOL) — Xidlhibaannadii ku dhaawacmay weerarkii ka dhacay degmada Dhuuso-mareeb ee gobolka Galguduud ayaa lagu wadaa in maanta loo qaado dalka Itoobiya si halkaas loogu soo daweeyo.