4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 2 , 2012
Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Nairobi oo shahaado sharaf gudoonsiiyay Danjire Cali Ameeriko (DAAWO SAWIRRO)
DHALINYARO13.jpg
Arbaco, May 02, 2012 (HOL) — Xaflad uu kasoo qaybgalay wasiirka gaashaandhiga ee Soomaaliya Xusseen Carab Ciise oo ka dhacday magaalada Nairobi ayaa shahaado sharaf lagu gudoonsiiyay danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Nuur (Ameerika).

Ururrada dhalinyarada Soomaaliyeed oo qabanqaabiyay kulankan ayaa ujeedkiisa ku sheegay inuu yahay midaynta dhalinyarada Soomaalida iyo qadarinta waxqabadkii safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya.

Waxaana khudbad halkaas ka jeediyay wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya Xusseen Carab Ciise oo sheegay inuu ku faraxsanyahay isku duubnida dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya.

"Waxaad tihiin tusaale wanaagsan, waanan ku faraxsanahay isku duubnidiinna " ayuu yiri wasiirka.

DHALINYARO.jpg

Dhammaan dhalinyaradii iyo madaxdii halkaas ka hadashay ayaa muujiyay doorka looga baahanyahay inay dhalinyaradu ka qaataan horumarka dalkooda iyadoo haatan rajo wanaagsan la qabo.

Ugu dambayntiina waxaa hadalka soo xiray safiirka Soomaaliya u jooga Kenya Maxamed Cali Nuur oo sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay badankoodu yihiin dad nabadda jecel.

"Waxaa lagu shaabadeeyaa dhalinyrada Soomaaliyeed inay qayb ka yihiin kooxaha argagixisada, balse dhalinyarada Soomaaliyeed aqlabiyadoodu waa kuwo nabadda jecel oo ka shaqeeya horumarka bulshadooda" ayuu yiri Cali Ameeriko.

"Waan idinka mahad celinayaa sidaad ii sharafteen, waxaanan idiin ballan qaadayaa inaan sii labanlaabo u shaqaynta ummada Soomaaliyeed, oo ah waajib i saaran" ayuu sii raaciyay danjiaraha oo sheegay inuu ku faraxsanyahay shahaado sharafta la gudoonsiiyay.

DHALINYARO14.jpg
DHALINYARO9.jpg
DHALINYARO2.jpg
DHALINYARO11.jpg
DHALINYARO12.jpg
DHALINYARO3.jpg
DHALINYARO4.jpg
DHALINYARO5.jpg
DHALINYARO6.jpg
DHALINYARO7.jpg
DHALINYARO8.jpg

Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya