4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 2 , 2012
Ra'iisul Wasaaraha Somalia oo Haweenka kala hadlay Ansixinta Dastuurka, Dhismaha Baarlamaanka iyo Hirgelinta Roadmap-ka

Arbaco, May 02, 2012 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa haweenka Soomaaliyeed kala hadlay hirgelinta Roadmap-ka, ansixinta dastuurka cusub iyo dhismaha baarlamaanka kaddib kulan uu xalay kula yeeshay xafiiskiisa.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii haweenku uga qaybqaadan lahaayeen hir-gelinta heshiiska looga baxayo xilliga KMG ah, ansixinta dastuurka iyo dhismaha baarlamaan cusub oo ay Soomaaliya yeelato, waxaana haweenku ay aad u soo dhaweeyeen talada ay xukuumaddu ka siinayso sidii looga bixi lahaa xiliga KMG ah ee muddada lagu soo jiray.

"Caawa waxaan hortiinna ka caddeynayaa in xukuumadeydu aysan marnaba dib u dhigi doonin kaalinta aad ku leedihiin hay’addaha siyaasada iyo kuwa maamulka ee dowladda, gaar ahaan tirada aad xaqa u leedihiin ee baarlamaanka oo ah 30%," ayuu yiri ra'iisul wasaaruhu u sheegay haweenkii uu la kulmay.

Haweenka oo ka kala socday qaybaha bulshada iyo ururrada haweenka ayaa waxay su'aalo weydiiyeen ra'iisul wasaaraha, waxaana ugu badnaa tirada ay looga qoondeeyay baarlamaanka inay ku yeeshaan.

Sidoo kale, kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii looga gudbi lahaa xilliga KMG ah ee ay dowladda xilligan jirto ku shaqeyso marka la gaaro bisha Ogoosto, iyadoo ay haweenku soo jeediyeen talooyin ku aaddan qaabka looga gudbi karo.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya wuxuu uga warbixiyay haweenka horumarka laga sameeyay dhaqan-gelinta Roadmap-ka, dhismaha guddiyada iyo sugidda ammaanka wuxuuna carabka ku dhuftay dastuurka dalka oo uu sheegay inuu yahay mid lagu saleeyay shareecadda Islaamka laguna hoggaamin doono dalka, isla markaana aan dalka lagu faafin karin wax ka baxsan diinta Islaamka.

Ugu dambeyn, C/weli Gaas wuxuu haweenka ku boorriyay in xafiiskiisa uu u furan yahay uuna sii wadi doono kulammada noocan oo kale ah si la isku dhaafsado hadba aragtida soo kororta.

Kulankan ayaa wuxuu qayb ka yahay kulammo uu ra'iisul wasaaraha Soomaaliya la yeelanayay qaybaha bulshada si uu uga dhaadhiciyo dastuurka oo aad looga soo horjeedo, sidoo kalena uu ugu sharraxo waxqabadka xukuumaddiisa muddadii ay jirtay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya