4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 2 , 2012
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dalka Uganda uga qaybgalay shir looga hadlay Horumarinta Magaalada Muqdisho

Arbaco, May 02, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho maanta, kaddib markii ay safar shaqo ku tageen dalka Uganda.

Safarka duqa Muqdisho uu ku tagay magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa waxaa ku wehliyay qaar ka mida ku xigeennadiisa, sodeed ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka iyo agaasimeyaal ka tirsan maamulka gobolka.

Muddadii ay joogeen Kampala ayaa waxay kaga qaybgaleen looga hadlayay horumar lagu sameeyo gobolka Banaadir, kaasoo ay soo qabanqaabisay hay’adda USAID ee dalka Mareykanka laga leeyahay.

Dhawaan ayay ahayd markii sideed guddoomiye oo ka mid ah kuwa degmooyinka gobolka Banaadir ay oo ay wehlinayeen taliyeyaasha boliiska iyo nabad-sugidda degmooyinka Muqdisho ay magaalada Kampala ku tageen safar midan oo kale ah kaasoo looga hadlayay mashaariic horumarineed oo hay’adda USAID ay ka waddo Muqdisho.

Sidoo kale, duqa Muqdisho ayaa inta uu joogay Kampala wuxuu kulammo la qaatay mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda, ardayda Soomaaliyeed ee wax-ka-barata jamacadaha Uganda, duqa Kampala iyo saraakiil kale.

Dhammaan dhinacyadan uu la kulmay ayuu uga warbixiyay xaaladda magaalada Muqdisho ay ku sugan tahay iyo horumarrada dowladda ay ka gaartay dhinacyada ammaanka iyo dib u dhiska caasimadda.

Waa markii ugu horeysay ee guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho uu socdaal shaqo ku tago xarunta dalka Uganda ee Kampala tan iyo markii uu xafiiska la wareegay sannado ka hor.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya