4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 2 , 2012
Malaaqyadii Gobollada Bay iyo Bakool uga qaybgeli lahaa shirka Ansixinta Dastuurka oo qaarkood Muqdisho la keenay

Arbaco, May 02, 2012 (HOL) — Diyaarad gaar ah ayaa maanta kasoo qaadday degmada Baydhabo ee gobolka Bay 27-xubnood oo ka mid ah xildhibaannada uga qaybgalaya gobollada Bay iyo Bakool shirka ansixinta dastuurka DKMG ah ee bishan lagu qabanayo magaalada Muqdisho.

Malaaqyadan ayaa waxaa hoggaaminayay malaaq Isaaq Ibraahim Xasan iyadoo lagu wado in maalmaha soo socda laga soo qaado Baydhabo malaaqyo kale oo kuwan kusoo biiraya.

"Diyaaraddu mar hore ayay kasoo duushay Baydhabo, waxaana malaaqyadan ay ka mid yihiin xubnaha gobolladan uga qaybgalaya shirka ansixinta dastuurka," ayay yiraahdeen xubno ka tirsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo ku sugan Baydhabo.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxay dhawaanahan wadday qorshayaal ay uga keenayso gobollada dalka qaarkood waxgarad ka mid noqda xubnaha ansixinta dastuurka oo bishan 15-keeda lagu wado in la ansixiyo inkastoo ay jiraan dad aad uga soo horjeeda dastuurka.

Ururka Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo urur goboleedka IGAD ayaa waxay digniin u direen shalay kooxo ay ku sheegeen qas-wadayaal kuwaasoo kasoo horjeeda dastuurka cusub ee Soomaaliya iyo ka bixitaanka xilliga KMG ah.

Imaanashaha odayaashan ka socda gobollada Bay iyo Bakool ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli shalay la rasaaseeyay diyaarad lagu waday inay odayaasha kasoo qaado degmada Doolow ee gobolka Gedo, taasoo aysan weli dowladdu ka hadlin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya