4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 2 , 2012
Al-shabaab oo sheegatay in Qaraxii ka dhacay Dhuuso-mareeb iyo faahfaahin kasoo baxaysa khasaarihii ka dhashay

Arbaco, May 02, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay in weerarkii ka dhacay degmada Dhuuso-mareeb ee gobolka Galguduud uu fuliyay dagaalyahan ka tirsan xoogaggooda uuna ahaa mid ay uga hor-tagayeen shirqool ay maleegayeen xildhibaannadii halkaas ku sugnaa.

Afhayeenka Al-shabaab, Sheekh Cali Dheere oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in weerarkaas uu fuliyay mujaahidin Alle ka iibsaday naftiisa uuna ku dilay xubno ka waday halkaas shirqool ka dhan ah muslimiinta ku nool gobolka Galguduud.

"Weerarku wuxuu ahaa mid uu fuliyay walaal ka mid ah mujaahidiinta, waxaana lagu dilay rag waday shirqool lagu kala goynayay muslimiinta gobolkaas ku nool, kuwo kalena waa lagu dhaawacay," ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay in weerarkaas uu digniin u yahay kuwa wada qorshayaashaas oo kale oo doonaya inay Soomaaliya qaybiyaan si dadka ku nool loo gumeysto.

Dhanka kale, weerarkii ka dhacay Dhuusomareeb ayaa la sheegay inay ku dhinteen toddoba qof oo isugu jiray xildhibaanno, ilaaladii mudanayaasha iyo weliba dad ku sugnaa goobta oo shacab ahaa.

Tirada ku dhaawacantay weerarkan ismiidaaminta ah oo warar kala duwan ay kasoo baxayaan ayaa waxay wararka qaarkood sheegayaan inay kor u dhaafayaan in ka badan 20-qof, kuwaasoo intooda badan ahaa shacab ku sugnaa maqaayadda uu ka dhacay weerarka iyo kuwo ku sugnaa meelo ku dhow.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa ku jiray laba suxufi oo ka howlgalaya gobolka Galguduud, kuwaasoo dhaawacyadooda la dhigay isbitaalka degmada Guriceel ee gobolka Galguduud, iyadoo la sheegay in xaaladdooda caafimaad ay aad u wanaagsan tahay.

Xalay ayaa degmada Dhuusomareeb lagu soo rogay bamdow, iyadoo howlgallo kala duwan laga sameeyay degmadaas inkastoo aan la sheegin cid lagu soo qabtay, waxaana mas'uuliyiinta Ahlusunna ay sheegeen inay wadaan baaris ku saabsan halka laga soo abaabulay weerarka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya