3/23/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 2 , 2012
Doorashada Duqa Magaalada iyo Golaha Degaanka ee London (UK)

Labada Musharax  Ken Livingstone iyo Boris Johnson. Photograph: Katherine Rose; Getty. The Guardian

Arbaco, May 02, 2012(HOL): Maalinta Khamiista ah oo bisha May ay tahay  3, sannadka 2012  waxaa loo dareerayaa doorashada duqa magaalada iyo golaha deegaanka ee London. Axsaab badan iyo dad iskood u tagaan ayaa u sharaxan jagooyinka, balse labada shaqsi ee ugu cad cad iminka waa Duqa jagada haya iminka oo ka socda xisbiga Muxaafidka ah (Conservative) Boris Johnson iyo duqii ugu horreeyey ee la doorto kaddib markay London qaadatay  habkan doorashada tooska ah ee duqa magaalada oo ka socda xisbiga Shaqaalaha (Labour) Ken Livingstone.

Waxaa kaloo la dooran doonaa 14 xubnood oo matala xaafadaha (Constituency) iyo 11 xubnood oo iyaga iska sharaxaya dhammaan London oo dhan; 25 kan xubnood ayaa noqon doona golaha degaanka ee London lana shaqayn doonaa duqa magaalada ee la soo doorto.

Doorashadan waxaa wax dooran kara dadka ka soo jeeda Britain, wadamada Barwaaqosooranka iyo Midowga Yurub oo da’doodu dhan thay 18 jir iyo ka weyn kana qoran diiwaanka doorashada.

Doorashada waxay bilaabaneysaa 7:00 subaxnimo ilaa waxay soconeysaa 10:00 fiidnimo. Dadka diwaangashan waxaa loo soo diray kaarka codeynta oo dushiisa aad ka helayso khariidad yar oo sheegaysa goobta aad ka codeyn lahayd oo aalaaba aan ka fogeyn degaankaada. Waxaad ka codeyn kartaa oo kaliya goobta laguu cayimay. Fadlan sii qaado dukumenti  sida batantaha (Driver License ama Professional Driver License) ama basaboorkaada iyo kaarka codeynta.

In laga  codeeyo wadamada reer galbeedka ma xalaalbaa mise xaraan? Ma ahi qof ku takhasusay fiqi-ga balse waxaan arrinka  kala sheekeystay culimo badan oo Soomaaliya uu ku jiro Sheekh Usuuli. Sheekh Usuuli iyo culimadii kale aan la hadlay waxay yiraahdeed qofka muslimka wax waa dooran karaa si uu u fushado masalaxada degaanka uu ku nool yahay.

Ururka ay ku bohoobeen Muslimiinta Biritain wuxuu ku boorinayaa muslimiinta in ay codkooda dhiibtaan. Waxaa kaloo jira wadankan haddii aadan codeyn macnaheeda ma aha in aadan ka qeyb qaadan codeynta. Tusaale ahaan xaafaddaada hadday ku badan yihiin dadka taageera xisbiyada xag jira oo xisbiyadaasi soo abaabulaan taageerayaashooda oo tagaarayaashooda ugu bataan dadka codeeyey; ogow intii ka aamustay oo hadday codeeyaan keeni lahayd axsaabtan xag jirtaa inaaney waligood soo bixin, inaad si dadban u tagaarteen xisbiyada xag jira. Soomaali waxay ku maahmaahday nimaan (qofaan)  hadalin hooyadiis wax ma siiso.

Sidaas darted waxaan qabaa in loo dareero doorashada oo laga muuqdo diwaanka coddadka ee aan loo isticmaalin baasaboorrada inaan ku safarno oo kaliya basle aan garanno maslaxadda mandaqada aan ku nool nahay. Waxaa lagu qiyaasaa dadka soomalida ah ee London deggan inay dhan yihiin ilaa 200 oo kun oo haddi badh ka mid ah doorashada ka qeybgalaan wax weyn ka badeli karaan nidaam siyaasadeeedka London. Ma ku dhihi karo musharax hebel u codee basle inaad fakirto isweydii maslaxadaada bulsho (Somaali) iyo taada qoys sida waxabarashada iyo caafimaadka; waxaa kaliya oo iga dardaaran ah inaan lagoo qarin musharaxiinta xisibiya xag jira oo ka mideysan ajnabi naceyb-ka.

Waxaan kusoo gunaanadeyaa in doorashada golayaasha degaan ay ka dhaceyso magaalada Liverpool  oo la dooran doono duqii u horreyey iyo golaha degaankaba Waxaa ku boorrinayaa  Soomalida deggan magaaladan fadlan u dareera doorasha 3-da May idinkoo dabaqaya daardaarankii aan siiyey reer London.

Sidoo kale magaalooyinka Birmingham, Bristol, Coventry, Leeds, Manchester, iyo Sheffield waxaa  ka dhacaya referendum la weydiinayo dadweynaha inay mustaqbalka yeeshaan duqa maagaalada  oo toos loo soo doorto ama in siday hadda tahay loo daayo, oo ah in xisbigii ku guuleysta doorashada hoggaamiyahiisa inuu noqdo hoggaamiye siyaasadeedka magaalada iyo maamule madani ah (Chief Executive) ka amarqaata hoggaan siyaasadeedka talada haya.

Tan waxaan ka dhihi lahaa fadlan dhegeysta dooda labada dhinic ee raaca dhanka maslaxada bulshada Soomaliyeed ay ku jirto. Fadlan ha loo dareero doorashada si aan u dhowrno maslaxada bulsho weynta Soomaaliyeed ee ku dhaqan goobaha ay doorashooyinka ka dhacayaan.

Mahadsanidiin dhamaantiin; waxaan qalday garasho xumadeydaa ii geysay waxaan saxayna Eebaa i garansiiyey.

Wixii faahfaahin dheeraad ka daalaco boggagan:

http://www.londonelects.org.uk/node/32
http://www.londonelects.org.uk/im-voter/how-vote

Hashim Ismail Duale
MBE (Member of the Oder of British Empire)
Adeega Bulshada UK













Click here
5/2/2012 11:15 AM EST
Arbaco, May 02, 2012(HOL): Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Ahlu Sunna Waljamaaca ee Gobollada Dhexe Maxamed Yuusuf Xeefow ayaa sheegay in dhaawacyadii ka dhashay qaraxii shalay ka dhacay Dhuusamareeb loo qaaday Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

5/2/2012 8:59 AM EST
Arbaco, May 02, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho maanta, kaddib markii ay safar shaqo ku tageen dalka Uganda.

5/2/2012 8:51 AM EST
Arbaco, May 02, 2012 (HOL) — Axmed C/salaan Xaaji Aadan oo ka mid ahaa dadkii ay dhaawacyada culus kasoo gaareen qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay degmada Dhuusomareeb ee gobolka Galguduud ayaa sheegay in weerarkii lagu dhaawacay uusan ka leexin doonin hadafkiisa.

5/2/2012 8:20 AM EST
Arbaco, May 02, 2012 (HOL) — Diyaarad gaar ah ayaa maanta kasoo qaadday degmada Baydhabo ee gobolka Bay 27-xubnood oo ka mid ah xildhibaannada uga qaybgalaya gobollada Bay iyo Bakool shirka ansixinta dastuurka DKMG ah ee bishan lagu qabanayo magaalada Muqdisho.

5/2/2012 8:09 AM EST
Arbaco, May 02, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa wareegto uu soo saaray maanta oo Arbaco ah wuxuu ku magacaabay xilka ra’iisul wasaare ku xigeen ahna wasiirka wasaaradda beeraha, xannaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

5/2/2012 7:48 AM EST
Arbaco, May 02, 2012 (HOL) — Hay’adda Caruurta Dunida ee UNICEF ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in kumannaan caruur Soomaaliyeed ay khatar ugu jiraan inay dhintaan kaddib nafaqo-darro xooggan oo ku habsatay, iyadoo xustay in lacag la’aan awgeed aysan caawin karin.

5/2/2012 7:19 AM EST
Arbaco, May 02, 2012 (HOL) — Taliye cusub oo lagu magacaabo, Jen. Andrew Gutti ayaa maanta si rasmi ah ula wareegtay taliska ciidamada Midowga Afrika AMISOM ee ku sugna Soomaaliya, kaddib xaflad xilka lagu kala wareegsanayay oo maanta ka dhacday xarunta AMISOM ee Xalane.

5/2/2012 7:14 AM EST
Arbaco, May 02, 2012 (HOL) — Xaflad uu kasoo qaybgalay wasiirka gaashaandhiga ee Soomaaliya Xusseen Carab Ciise oo ka dhacday magaalada Nairobi ayaa shahaado sharaf lagu gudoonsiiyay danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Nuur (Ameerika).

5/2/2012 6:28 AM EST
Arbaco, May 02, 2012 (HOL) — Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa la geeyay maanta dhaawacyada, Axmed C/salaan Xaaji Aadan, Xildhibaan Xuseen Samatar Warsame, wariye Bashiir Maxamed Salaad (Sanka) iyo afar qof oo shacab ah kuwaasoo ku dhaawacmay qaraxii shalay ka dhacay degmada Dhuuso-mareeb ee gobolka Galguduud.

5/2/2012 6:10 AM EST
Arbaco, May 02, 2012 (HOL) — Wafdi ka socda xisbiga Hiil Qaran oo ay hogaaminayaan xubno sare oo ka tirsan xisbigaasi ayaa booqasho ku tagay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.

5/2/2012 3:22 AM EST
Arbaco, May 02, 2012 (HOL) — Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta u ah gobolka Galguduud ayaa saakay ku waabariisatay Bandow galinkii danbe ee shalay ku soo rogeen maamulka Ahlu Sunna Waljameeca kaddib weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay.

5/2/2012 3:11 AM EST
Arbaco, May 02, 2012 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa haweenka Soomaaliyeed kala hadlay hirgelinta Roadmap-ka, ansixinta dastuurka cusub iyo dhismaha baarlamaanka kaddib kulan uu xalay kula yeeshay xafiiskiisa.

5/2/2012 2:53 AM EST
Arbaco, May 02, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay in weerarkii ka dhacay degmada Dhuuso-mareeb ee gobolka Galguduud uu fuliyay dagaalyahan ka tirsan xoogaggooda uuna ahaa mid ay uga hor-tagayeen shirqool ay maleegayeen xildhibaannadii halkaas ku sugnaa.

5/2/2012 2:38 AM EST
Arbaco, May 02, 2012 (HOL) — Xidlhibaannadii ku dhaawacmay weerarkii ka dhacay degmada Dhuuso-mareeb ee gobolka Galguduud ayaa lagu wadaa in maanta loo qaado dalka Itoobiya si halkaas loogu soo daweeyo.