4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 2 , 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo Magacaabay Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka DKMG ahna Wasiirka Beeraha Soomaaliya

Arbaco, May 02, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa wareegto uu soo saaray maanta oo Arbaco ah wuxuu ku magacaabay xilka ra’iisul wasaare ku xigeen ahna wasiirka wasaaradda beeraha, xannaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Xilkan ayaa waxaa loo magacaabay, Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen iyadoo uu sheegay madaxweyhuhu inuu cuskaday magacaabistan qodobbo axdiga KMG ah ka mid ah, kaddib markii uu arkay in jagadan ay bannaan tahay.

Wareegataada aya alagu sheegay in marka uu madaxweynuhu saxiixo ay si rasmi ah u dhaqangalayso, waxanaa jagadan laga qaaday wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim.

Ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore ayaa xilka laga qaaday 29-kii bishii Maarso ee lasoo dhaafay, iyadoo aan la ogeyn sababta keentay in xilka laga qaado, inkastoo ay xil ka qaadistiisu dhalisay muran ku saleysan nidaamka awood-qaybsiga 4.5-ka oo ay dowladdu ku dhisan tahay.

Lama oga in ra’iisul wasaaraha Soomaliya uu ku waafaqsan yahay xil ka qaadista lagu sameeyay ra’iisul wasaare ku xigeenkiisa maadaama uusan ka hadlin xilkii laga qaaday, sidoo kalena lama oga inuu madaxweynaha ku raacsan yahay mas’uulkan cuusb ee uu jagadaas loo magacaabay.

Wasiirkan cusub ee la magacaabay ayaa noqonaya kii labaad oo uu madaxweynaha Soomaaliya magacaabo muddo laba todobaad gudahood ah, isagoo toddobaadkii hore magacaabay wasiirkii shaqada iyo shaqaalaha dowladda Soomaaliya, kaddib markii xilkaas laga qaaday wasiirkii hore.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya