4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 13, 2012
Hay'adda Nabad-sugidda Dowladda KMG Soomaaliya oo sheegtay in la qabtay Miino Casri ah oo ay Al-shabaab Sameysatay

Axad, May 13, 2012 (HOL) — Hay'adda Nabadsugidda DKMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in la qabtay miino casri ah oo ay AL-shabaab sameysay taasoo lagu xiri karo gaadiidka yaryar si loo dilo qofka wata.

Agaasimaha hay'adda nabadsugidda DKMG ah, Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in miinadan casriga ah lagu qabtay isgoyska ex-koontarool Afgooye laguna qabtay baaris ay sameeyeen ciidamada milateriga Soomaaliya.

"Miinadan waa mid casri ah oo loogu talogalay in lagu xiro gaadiidka yaryar ee la dhigto goobaha baakinnada ah, si ay u disho hal qof iyo wixii la mid ah," ayuu yiri Axmed Fiqi.

Sidoo kale, agaasimuhu wuxuu sheegay in miinadan aan weli lagu qarin Muqdisho ayna aad ugu faraxsan yihiin inay qabtaan iyadoo aan wax dhibaato ah geysan, isagoo ugu baaqay dadka wata gaadiidka yaryar inay ilaalo u yeelaan markii ay dhiganayaan goobaha baakinnada ah.

"Waxaa loogu talogalay miinadan in lagu xiro gaadiidka si ay u disho qofka wata iyo inta la socota, waana hab khatar ah oo ay Al-shabaab ku bedeleen miinooyinkii hore ee ay dhulka ku aasi jireen," ayuu yiri agaasimaha nabad-sugidda DKMG ah.

Ugu dambeyn, agaasimuhu wuxuu sheegay inay soo bandhigi doonaan miinadan casriga ah, inkastoo uusan sheegin xilli ay soo bandhigayaan iyo goob ay kusoo bandhigayaan.

Xarakada Al-shabaab ayaan ka hadlin hadalka kasoo baxay hay'adda nabadsugidda ee ku aaddan in la qabtay miino casri ah oo ay Al-shabaab sameysay si ay ugu adeegsato qaraxyada ay ka geysanayaan Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya